qorilugudnews24.com
Xisbiga Kulmiye Oo Mahadiyey Bixitaankii Isbahaysigii Sharka Iyo Xisbiga Waddani Oo Ay Ku Adkaatay Xisbinimadii Una Dhaqmaaya Sidii Urur/By: Suldan Kabadhe.
December 23, 2016 - Written by qoriadmin

London-(QorilugudNews24)-Isbedelka Siyaasadda Somaliland Waa Mid Aad U Xiiso Badan, Waa Siyaasad Qorraxdi Soo Baxdaaba Ay Ku Sido War Cusub. Waxba Yaanan Hadalka Ku Sii Durkine, Dulucda Maqaalka Haddaan U Daadego, Isbedelada Ku Soo Kordhay Labada Xisbi Waa Kulmiye Iyo WADANI Iyo Jawaabta Su’aalo Badan Oo Ay Bulshadu Dhexdeedaoo Iska Weydiinayeen.

Waxaad Mooda In Labadi Shire Ee Golaha Dhexe Ee Ay Kala Qabsadeen Labada Xisbi Ee Qaran Waa Kulmiye Iyo WADANI Uu Mid Waliba Saamayn Weyn Ku Yeeshay Xisbigiisi, Waxaa Muuqata In Midna Uu Shirkiisi Midha Dhalay Oo Uu Guulo Fara Badan U Soo Jiidey Xisbigiisi Waa kulmiye, Xagga Dhinaca kale ee Xisbiga WADANI Waxa Aad Moodaa in uu sii kala tuuray Intii Yarayd Ee Dhab-Dhabka Ahayd.

Waa Illaahay Mahadi Waxay Tidhi inanti Roodi: Kulmiye Shuushkii Baa Ka Baxay, Waa Dhab Ilaa Iyo Maalinti Kooxdii La Baxday isbahaysiga ay xisbiga kulmiye ka baxday ee aay karkaarka weydaaratay waxaa muuqata in xisbigii kulmiye uu dib ula soo noqday Saan-Saantii iyo shacni badan oo lagu yiqiin oo beryahan danbe aad laysu Weydiinayey.

Xisbiaga WADANI oo wayaahan dambe magacyo badan loo bixiyey ka dib markuu Sawirada Mobilada lagu qaaday iska badiyey ilaa ay xoolihi haraadana ka baxsan waayeen ayaa mar qudha isu bedeley Gegi uu uu Haadku ka huleelay

Xisbiga WADANI ayaa loogu dawgalay shirkii golaha dhexe ee 900 boqol ee qof ee weji ku macaashka ah laga soo buuxiyey. Waxaa la yaab ahayd waxaa shirkaas markii ugu horaysey laga maqlay hadallo aan hore loo maqli jirin, jagooyin mala awaal ah iyo hab dhaqan ku cusub Somaliland sida reerkiinu waan Laan-Gaab iyo in qof keliyi codkiisu la mid noqdo boqolaal qof.
Maxaa helay xisbigi WADANI ee u soo diyaar garoobay inuu mar uun dalkan hogaamiyo, waxaad mooda in xisbiga WADANI aanu weli soo dhaafin Baska hoose markay tahay Xisaabta siyaasadda iyo luqada siyaasadda lagaga hadlo oo aanu ka soo gudbin midnaba.

Siyaasaddu Waxay Ku Odhanaysa Qof Keliya Codkiisa Ayaa Wuxuu Kuu Horseedi Karaa Guul Aanad Filanayn.
Waxaa tusaale inoogu filan Shalay oo Sooyaalka Taariikhda Somalilandna ku qoran 80 cod oo keliya inay guushu ku raacday Xisbi ka mid ah Xisbiyada Somaliland, bal ka waran Xisbiga ka kaaftoomay ama ka maarmay Boqolaalka Cod ama kumaankunka aan idhaahdee miyaanay wax lala yaaboa ahayn.

Guushi uu ka soo hooyey Xisbiga kulmiye Labada Magaalo waa Berbera iyo Boorame’e ayaa waxay soo Afjaraysa su’aalo fara badan oo bulshado ay dhexdooda iska weydiinayeen, waxay si cad u tilmaamaysa cidda ay u badan tahay in ay guushu raacayso doorashada inagu soo foolka leh ee soo socota waa haddii illaaha weyni innagu simo.

Waxaan aad u hambalyeynaya Madaxda Xisbiga Kulmiye iyo Golihiisa xukuumada ee muujiyey bisaylka siyaasaddeed una dhabar adaygay duruufaha adage e dalku marayo, waxay Wadankoodi Gaadhsiiyeen meel uu cadowgu uu ka naxo , waxay u babac dhigeen abaarta ku habsatay dalkoodi ilaai mikana ay iskudeyeyaan inay maareeyaan.

Waxaa iyaduna xasuus mudan inay caalamka gaar ahaan deeq bixiyaasha ay u muujiyeen inay yihiin dad iyo dal isku tashaday una madax bannaan qaraarkooda siyaasiga ah ee khuseeya Ummaddooda.

waxaanu leenahay kuwa dalkooda lugaha jiidaya ee Huteelada dibeddaha ku dhuumanaya xaq uma lihidin waxaan la Idiin diran oo aanay Ummaddani mandate idiin siin inaad faraha la gashaan, idinkoon haysan 1% codka Ummadda iyadoo uu dalku leeyahay xukuumad haysata kalsoonida umada ,waxaa amaan mudan xisbiga UCID oo haysta Cod 28% kalsoonida Ummadda oo haddana ka xishooday inuu ku kaco ficilada Xisbiga raad baradka ahi ku dhaqmayo isaga oo ah Xisbiga ugu da’da weyn Dalka.

Waxaan ugu baaqaya Xisbiga WADANI in ay faraha kala baxaan hagardaamada ay ku hayaan dalkooda oo ay joojiyaan dhuumashada dhabarku muuqdo.

Gebogebo, Waxaynu Illaahay ka baryeyna in uu dadkeena Abaarta ka dulqaado, Aamiin.
Waxaan Hadalkayga Ku Soo Gebagebeynayaa Allow Yaanu Waaga Waraabe Cunin.

Suldan Kabadhe
Siyaasi Xisbiga Kulmiye Ah

COMMENTS
Latest News