qorilugudnews24.com
Dhulkii Somaliland Oo Ay La Wareegeen Sixiroolayaal Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Loogu Baaqayo In Ay Arrintaas Si Deg Deg Ah Wax Uga Qabato, Cagtana Mariso Dhammaan Meelaha Ay Gabaadka Ka Dhiganayaan.
December 24, 2016 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Shaki Kuma Jiro In Gebi Ahaanba Ay Dhulkii Somaliland La Wareegeen Sixiroolayaal Iyo Falalow, Kuwaas Oo Dhibaato Ba’an Ku Haya Dadkii Muwaadiniinta Ahaa Ee Reer Somaliland, Gaar Ahaan Bulshada Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Magaalooyinka Waaweyn, Arrintaas Oo Ah Mid Aan Qarsoonayn Ayna Ugu Dambeysey Dhacdadii Fuusha Xumayd Iyo Dhibkii Baahsanaa Ee Loo Geystey Qoys Reer Somaliland Ah Oo Ku Dhaqan Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer, Gaar Ahaan Xaafadda Sheffield Ee (Ex-Oktoobar), Arrintaas Oo Shacabka Reer Somaliland Ka Muujiyeen Baqdin Iyo Wel-Wel Xoog Leh.
Haddaba Xukuumadda Somaliland Waxaa Loogu Baaqayaa In Ay Arrintaas Si Deg Deg Ah Wax Uga Qabato, Oo Ay Tallaabo Deg Deg Ah Ka Qaado Dadkaas Sixiroolayaasha Iyo Falalowga Isugu Jira Ee Innagu Soo Duuley Ayn Cagta Mariso Dhammaan Meelaha Lagu Tuhunsan Yahay Ee Ay Gabaadka Ka Dhiganayaan, Gaar Ahaan Xaafadda Onadka Ee Magaalada Burco Iyo Xaafadda State House Ee Magaalada Hargeysa, Labadaas Meelood Ah Meelaha Ugu Darran Ee Bulshada Reer Somaliland Laga Dhibaateeyo.
By: Weriye Hussein Allamagan Kureed.

COMMENTS
Latest News