qorilugudnews24.com
Hoggaamiyihii Gacan Ku Rimiska Ahaa Ee Xisbiga Waddani Mr. Xirsi Kureed Oo La Baafinayo Tan Iyo Wixii Ka Dambeysey Safarkii Nairobi Ee Uu Xisbiga Waddani Kula Shiraayey Maamulka Muqdisho, Kaddib Markii Sida La Sheegay Laga Xan Qarsaday Oo Laga Dul Guureeyey.
December 27, 2016 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Hoggaamiyihii Gacan Ku Rimiska Ee Xisbiga Waddani Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan (Xirsi Kureed) Ayaan Gebi Ahaanba Laga Waayey Fagaarayaasha Siyaasadda Iyo Goobaha Kale Ee Muhiimka Ah Ee Ay Bulshadu Ku Kulanto, Arrintan Oo Soo Shaac Baxday Tan Iyo Wixii Ka Dambeysey Safarkii Qarsoodiga Ahaa Ee Uu Hoggaanka Sare Ee Xisbiga Waddani Ku Tegey Magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalkaasi Kenya, Safarkaas Oo Ahaa Mid Lagu Mijo Xaabinaayey Qarinada Iyo Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, Iyad Oo Hotel-ka Sarena Ee Halkaasi Ku Yaalla Uu Ka Dhacay Shir Laba Geesood Ahaa Oo U Dhaxeeyey Madaxda Xisbiga Waddani Iyo Wefti Uu Hoggaaminaayey Ra’iisal Wasaara Maamulka Taagta Darran Ee Dalka Somalia.
Haddaba Wararka Soo Baxaya Ayaa Sheegaaya In Shirkaasi Gebi Ahaanba Aanu Goob Joog Ka Ahayn Hoggaamiyaha Gacan Ku Rimiska Ah Ee Xisbigaasi Waddani Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan (Xirsi Kureed) Lagana Xan Qarsaday, Arrintaas Oo Uu Mr. Xirsi Kureed Aad Uga Cadhaysiisay, Aakhirkiina Sababtay In Uu Shaki Iyo Madmadow Badaani Soo Kala Dhex Galo Madaxda Ugu Saraysa Xisbiga Waddani Iyo Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan (Xirsi Kureed), Waxaana Ilaa Iyo Hadda La Baafinaya Halka Uu Jaan Iyo Cidhib Dhigay Ee Uu Ku Dambeeyey Mr. Xirsi-Gaab Oo Hadda U Muuqda Mid Ku Fashilmay Gebi Ahaanba Siyaasadda Uu Dhex Galay Ee Aanu Aqoonta Durugsan U Lahayn, Kuna Asqoobey Munaafaqadda Guunka Ah Ee Ay Dhigayaan Odayaasha Mus-Dambeedka Xisbiga Waddani Oo Ah Mid Ay Ka Soo Dheegteen Buuggii Xumaa Ee Gaboobey Ee Uu Keligii Taliye Maxamed Siyaad Barre Ka Tegey Ama Ka Dhintay???? ..
La Soco Qaybaha Dambe….
By: Digtoorka.

COMMENTS
Latest News