qorilugudnews24.com
Warbaahintii Somaliland Oo Inteedii Badnayd Gacanta U Gashay Ardaydii Uu Soo Baleeyey Dayeer Daahir Cabdulle Calasoow, Kuwaas Oo Hadda Xaafad-Xaafad Iyo Shaqsi-Shaqi Isu Weeraraya.
December 29, 2016 - Written by qoriadmin

Gaatama-(QorilugdNews24)-Warbaahintii Somaliland, Gaar Ahaan WebSite-Beeleedyadii Tirada Badnaa Ayaa U Muuqda Kuwo Jahadii Ka Luntay Oo Ay Inteedii Badnayd Gacanta U Gashay Ardaydii Uu Soo Baleeyey Ama Soo Gardaadiyey Dayeer Daahir Cabdulle Calasoow, Kuwaas Oo Hadda Xaafad-Xaafad Iyo Shaqsi-Shaqsi Isu Weeraraya, Xaaladdoodiina Ay Marayso Meel Xaasaasiya Oo Laga Naxo, Waxa Kale Oo Qoraaladooda Iyo Waxa Ay Gudbinayaan Ka Muuqtaa Aqoon Darro Iyo Jaahilnimo Weyn,  Oo Ka Arradan Ama Ka Madhan Asluubtii Iyo Hannaankii Suxufinimo, Taas Oo Sabab U Noqotay In Ay Ku Dhex Milmaan, Qabiilkii, Qabyaaladdii Iyo In Ay Cidnaba Dhaafi Waayaan Iyaga Oo Dabaqaaya Wixii Uu Baray Macallinkoodii Xumaa Ee Daanyeer Daahir Cabdulle Calasoow.
Waxa Kale Oo Aad Moodaa In Website-Beeleedyadan Loo Samaystayb In Dadka Lagu Baado, Oo Qof Kasta Oo Ay U Arkaan In Ay Dantoodii Guracnayd Ka Waayeen Ay Isla Markiiba Weerar Qaawan Oo Aan Gabasho Lahayn Ku Qaadaan, Una Geystaan, Cay, Aflagaado Iyo Xajiimeyn, Waxayna Hadda Maraysaa In Weerar Qaawan Lagu Qaado Marwooyinkii Iyo Hooyooyinkii, Arrintaas Oo Ah Mid Aan Marnaba La Aqbali Karin, Keenina Karta Ama Horseedi Karta Dagaal Ba’an Oo Aan Waxba La Isu Reeban, Dagaalkaas Oo Aan Dhammaad Lahayn, Iyo In La Ugaadhsado Kuwaas Ma Xishoodayaasha Ah Ee Ku Soo Duuley Bulshadeenii Iyo Dadkeenii Bir-Ma Geydada Ama Lama Taabtaanka Ahaa.
Ugu Dambayntii Waxa Aan Halkan Digniin Hawada Uga Marinayaa Dhammaan Mulkiilayaasha Website-Beeleedyada Tirada Badan Ee Ku Caan Baxay Isku Dirka Iyo Kala Geynta Bulshada Reer Somaliland, Cayda Iyo Xajiimeynta Madaxda Qaranka Iyo Dadka Wax-Galka Ah Ee Bulshada Somaliland, Waxaanan Uga Digayaa In Ay Sii Wadaan Dacaayadaha Raqiiska Ah Ee Ay La Wareegayaan Iyo Shiqsi Weerarka, Haddii Kale Ha U Diyaar Garoobeen Dagaal Ka Dhan Ah Oo Aanay Ka Geyoondoonin Iyo In La Ugaadhsado, Si Ay Bulshadeenu U Noqoto Kuwo Ka Fayow Sharta Ardayda Daanyeer Daahir Cabdulle Calasoow.
By: Aarjeberti.

COMMENTS
Latest News