qorilugudnews24.com
Kursiga Qaranka Ugu Sareeya Laguma Hanto Durbaan Colaadeed Hadallo Naxli Leh Iyo Maalmo Xumaa Oo Dib Loo Xasuusiyo. W/Q Cabdirahman Jama Mohamed.
January 5, 2017 - Written by qoriadmin

Guddoomiye Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Waa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Hadda Jira Muddo 4 Sanno Ah Oo Xisbigaasi Mucaarid yahay, Sidoo Kale Wuxuu Tartan Ka Dhexeeyaa Labada Xisbi Ee KULMIYE Iyo UCID Oo Muddo 14 Sanno Ah Soo Jirey,

Guddoomiye Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Waa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Hadda Jira Muddo 4 Sanno Ah Oo Xisbigaasi Mucaarid Yahay, Sidoo Kale Wuxuu Tartan Ka Dhexeeyaa Labada Xisbi Ee KULMIYE iyo UCID Oo Muddo 14 Sanno Ah Soo Jirey,

Haddaynu Soo Qaadano Xisbiga Kulmiye Iyo Waayihiisi Mucaaradnimo Xilligaas  Oo Ay Majaraha U Hayeen Koox La Odhon Karo Waxay Ahaayeen Mucaarid Somaliland Soo Mara Kuwii Ugu Adkaa Siyaasad, Dhaqaale, karti Iyo Aqoon Ahaanba,

Kuwaas Oo Uu Hormuud U ahaa Madaxweynaha Tallada Haya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Baalashiisii Uu Ku Duulaayey Wax dhintay Iyo Waxnoolba, Waxay Talladii Qaranka Ku haaneedeen Barmaamij Siyaasaddeed oo Ay Bulshada Somaliland U Soo Bandhigeen Bari iyo Galbeed Laguna Qoray Buuggii Cagaarna Ee Xisbiga KULMIYE .

WADDANI Iyo MAANTA.

Soomaalidu Waxay Tidhaahdaa Fule Xantii Ma Mooga..

Markii Ay Dareemeen Fara Madhnaanta Ay Ka Taaganyihiin Bulsho Weynta Jamhuuriyadda Somaliland, Waxay Geed Dheer Iyo Mid Gaabanba U Fuuleen In Ay Dhaawacaan Himiladii Ummaddani Lahayd Ee Jiritaanka Somaliland Ee Halganka Badan Loosomaray, Iyaga Oo Ka Door Biday In Ay Isbarbartaagaan Cadowga Somaliland ee ay Ka mid tahay Dawlad Ku-Sheegta Xamar, Sidoo kale Waxay Maskaxda Kuhayaan In Ay Colaad Iyo Naxli Kala Dhex-Dhigaan Bulshada Walaalaha Ah Ee Somaliland (Alle Kama Dhigo Toodee)
Waxaana cadayn Kuugu Filan Hadalkii Uu Maanta Ka dhawaajiyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Uu Ku Eedaynayay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mj. Muuse Biixi Cabdi.

Shacabka Somaliland Waa Dad Bislaaday Labana Maanta Way Ka Ilbaxeen Dagaal Sokeeyo Oo Qof Dan Gaara Lihi Wato Iyo Somaliland Ayaa Xamar Tegaysa……..

https://i2.wp.com/xogreebnews.com/uploads/article/photo/IMG_49033B-09AD5E-A2D9AD-4D5D2C-D32511-E603C4.jpg?resize=549%2C356

GUUSHA WAXAA LEH QARANKEENA

COMMENTS
Latest News