qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Dagaal Culus Oo Goor Dhaweyd Ka Qarxay Magaalada Muqdisho Ee Xarunta Maamulka Somalia Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.
January 10, 2017 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Dagaal Culus Ayaa Goor Dhaweyd Ka Qarxay Magaalada Muqdisho Ee Xarunta Maamulka, Dagaalkaas Oo Sida La Sheegay U Dhexeeya Ciidamada Dawlada Xamar Ayaa Ka Dhacay Degmada Hodan Ee Gobolka Banaadir.

Dagaalkan Oo Ahaa Mid Culus Wakhti Badana Qaatay Ayaa Waxa La Sheegay in Uu Ka Dhashay Muran Dhuleed Oo Laba Reer U Dhaxeeyey, Waxa Kale Oo La Sheegay In Ciidamada Dagaalamay Ay La Kala Safteen Labadaasi Reer Ee Dhulka Isku Haysata, Waxaana Ka Dhashay Khasaare Aad U Baahsan Oo Inta Badan Soo Gaadhey Dadka Shacabka Ah Ee Halkaasi Ka Ag Dhawaa.
Magaalada Muqdisho Ayaa Waxaa Inta Badan Ka Dhaca Dagaal Ka Dhasha Dhulal Lahaanshihiisu Uu Muran Dadan Ka Taagan Yahay.

Maamulka Degmada Hodan ayaan weli ka hadal Dagaalkan Ka Dhacay Degmada Hodan.

By: Jeylana Iikar Abibakarow/Muqdisho, Somalia

 

COMMENTS
Latest News