qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Xildhibaanada Maamulka GalMudug Oo Xilkii Ka Xayuubiyey Madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guuleed.
January 10, 2017 - Written by qoriadmin

Cadaado-(QorilugudNews24)-Wararka Naga Soo Gaadhaya Magaalada Cadaado Ee Xarunta Maamulka GalMudug Ayaa Sheegaya In Xildhibaannada Maamulka Galmudug Kalsoonidii Kala Laabteen Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Galmudug Md. Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Kulankan Maanta Oo Ahaa Kulan Xasaasi Ah, Ayaa Waxaa Shir-Guddoominaayey Guddoomiye Ku-Xigeenka Baarlamaanka GalMudug Md. Xareed Cali Xareed, Waxaana Cod Kalsoonida Kala Laabtay Madaxweynaha 54 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka GalMudug Oo Ka Kooban 89 Xildhibaan.

Madaxweynaha Galmudug Oo Ku Sugan Magaalada Muqdisho Ayaa Warbaahinta U Sheegay In Waxa Ka Socda Cadaado Lagu Tilmaami Karo Fawdo Iyo Sharci Darro, Isaga Oo Intaa Ku Daray In Aanu Aqoonsan Doonin Natiijo Kasta Ka Soo Baxda Fadhiga Baarlamaanka.

Sidoo Kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Md. Cali Gacal Casir Ayaa Horey U Sheegay In 45 Cisho Fasax Dheeraad Ah La Siiyay xildhibaannada, Sababo La Xidhiidha Sida Uu Hadalka U Dhigay Abaaraha Ka Jira Deegaanka Oo U Baahan Ayuu Yidhi In Loo Gurmado.
Kala Soco Wararkayaga Dambe Wixii Ammuurtaas Ku Soo Kordha.
By: Aarjeberti
WebNews Desk.

COMMENTS
Latest News