qorilugudnews24.com
Beentii Qarniga Oo Ay Iska Kaashadeen Website-Beeleedka Ilaysnews.com Iyo Wargeysa Geeska Afrika, Kaas Oo Lagu Aflagaadeeyo Cid Kasta Oo Loo Arko In Aanay Ka Soo Jeedin Beesha Mulkiilaha Wargeyskan Iska Leh, (Beentaas Oo Lagu Sheegay In Darawalkii Madaxweyne Siilaanyo Uu Tahriibey), Arrintaas Oo Aanay Waxba Ka Jirin.
December 6, 2017 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Waxa Aan Jeclaystay In Aan Maanta Halkan Ku Soo Bandhigo Beentii Qarniga Ee Ay Iska Kaashadeen Website-Beeleedka Ilaysnews.com Iyo Wargeysa Geeska Afrika, Wargeyskaas Oo Sida La Xaqiijiyey Lagu Aflagaadeeyo Cid Kasta Oo Loo Arko In Aanay Ka Soo Jeedin Beesha Mulkiilaha Wargeyskan Iska Leh, Waxayna Dhawaan Boggaggooda Hore Ku Soo Daabaceen Been Qaawan Oo La Soo Dhoob-Dhoobay Iyo Wax U Muuqdey Sheeko Carruureed Oo Lagu Sheegay In Darawalkii Khaaska Ahaa Ee Madaxweyne Siilaanyo Eng. Cabdi Cabdiillaahi Aadan Uu Tahriibey), Arrintaas Oo Ah Wax Lagu Qoslo Oo Aanay Waxba Ka Jirin Iyo Sheeko Carruureed La Doonayo In Daaha Lagu Saaro Guul-Darradii Xisbiga Waddani Ee Ka Soo Gaadhey Tartankii Doorashadii Madaxtooyada Somaliland Ee Dhawaan Dalka Ka Dhacday.
Haddaba Dadweynow Waxaa Maanta Garoonka Diraadaha Ee Egal International Airport Ee Magaalada Hargeysa Ka Soo Degey Eng. Abdi Abdillahi Adan, Kadib Markii Uu Soo Dhammaystay Safar 7 Maalmood Qaatay Oo Uu Ku Joogey Magaalada Ankara Ee Dalka Turkiga, Safarkaas Oo Ahaa Mid Nasasho.
Haddaba Waxa Ay Is Weydiintu Tahay Goorta Ay Beentii Noqotay Mid Lagu Raadiyo Dhaqaale, Laaluush, Sandareero Iyo Waxa Ay Wax Uga Qaban-Waayeen Kuwii Sida Rooxaanta U Qaylin Jirey Ee La Magac Baxay SOLJA, Intaan Hay’addaha Sharciga La Isla Gaadhin Ee Xaaladdu Faraha Ka Bixin.
Ugu Dambayn Waxa Aanu Agaasimaha Guud Ee Waaxda Gaadiidka Madaxtooyada Ee Somaliland Eng. Cabdi Cabdillaahi Aadan Ugu Baaqaynaa In Aanu Wergeysyadan Ka Hadhin, Isla Markaana Maxkamad La Tiigsado, Si Loo Ilaaliyo Sharafta, Karaamada Iyo Xaquuqda Dastuuriga Ah Ee Lama Taabtaanka Ah Ee Uu Leeyahay Muwaadinka Reer Somaliland.

Kuvahaun tulos haulle Ma Dhabaa In Uu tahriibay Darawalkii Khaaska Ahaa Ee Madaxweyne Siilanyo
By: Aarjeberti.
QN24 WebNews Chief Editor.

COMMENTS
Latest News