qorilugudnews24.com
Somaliland: Waxaan Hambalyeynayaa Xubnaha Golaha Wasiirada Cusub, Siyaasadduna Mar La Nasto Iyo Mar Xil La Hayaba Way Leedahay: Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi.
December 14, 2017 - Written by qoriadmin

Bismillaahi Raxmaani Raxiim……..….

Waxaan Hambalyeynayaa Xubnaha Golaha Wasiirada Cusub Ee Uu Maanta Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Waxaan ILLAAHAY Ugu Rajeynayaa masuuliyiintaa cusub ee madaxweynuhu Cugtay In Uu Xilka Ku Asturo, Ayna Noqdaan Kuwii Dalkooda Iyo Dadkoodaba U Shaqeeya, Waxaanan Kula Dardaarmayaa Masuuliyiintaa Iyo Madaxdaas Dadaal, Daacadnimo Iyo Isku-Duubni.

Waxa kale oo aan jecelahay in aan Hambalyeeyo dhammaan Xubnihii Golaha Wasiirada Madaxweyne Siilaanyo oo dalka iyo dadka u soo shaqeeyey, ILLAAHAY ayaa ka abaal marin doona, waxa aan leeyahay oo aan aamin-sanahay in saaxiibaday ay yihiin rag bisil oo garanaya siyaasada in aannu qofku mar walba xil hayn, oo Maalina uu isagu xil hayo, maalina saaxiibkiisa kale hayo.

Sharaf Ayey Noo Tahay Dhammaantayo In Aannu Madaxweyne Siilaanyo La Soo Shaqaynay, In Xisbigii KULMIYE Guuleystey, In Uu Muuse Biixi Uu Madaxweyne Noqday, Golahaasi Wasiirada Ee Hore Cidina Ugama Tacab Badnayn Guushan, Siyaasaduna Mar La Nasto Iyo Mar Xil La Hayaba Way Leedahay, Ciyaar Yahanka Wanaagsan ayaaba la Nasiyaa iyada oo ujeedooyin badan laga leeyahay, waxaan Aaminsanahay inay Bisaylkaas leeyihiin oo ay caloolsan yihiin, aniga iyo Saaxiibadaydaasi waanu soo dhawaynayaa Golaha Cusub, Waxaanu Ballan-1aadaynaa in Aannu la Whaqayn Doono.

Wa bilaahi Tawfiiq
Guul Somaliland.

COMMENTS
Latest News