qorilugudnews24.com
Xukuumadda Somaliland Oo Loogu Baaqayo In Ay Tallaabo Adag Ka Qaado Kooxaha Caadaystey In Ay Dalka Ku Soo Waaridaan Dadka Ku Caanka Baxay Fadeexadda Iyo Nacaybka Somaliland, Sida Dabcasar Iyo Kuwa Kale Ee La Midka Ah, Magac Kasta Ha Ku Soo Gabadeene.
December 25, 2017 - Written by qoriadmin

Helsinki-(QorilugudNews24)-Haddii Aanu Nahay Bulshada Reer Somaliland Ee Qurbaha Ku Dhaqan Waxaanu Ugu Baaqaynaa Xukuumadda Somaliland In Ay Tallaabo Adag Ka Qaado Kooxaha Caadaystey In Ay Dalka Ku Soo Waaridaan Dadka Ku Caanka Baxay Fadeexadda Iyo Nacaybka Shacabka Iyo Jamuuriyadda Somaliland, Sida Dabcasar Iyo Kuwa Kale Ee La Midka Ah, Magacay Doonaanba Haku Soo Gabadeene, Waxaana Jira Kooxo Dhallinyaro Ah Oo Isugu Jira Weriyeyaal Iyo Fannaaniin Oo Dalkiiba Ka Dhigay In Uu Yahay Qayb Ka Mid Ah Dalka Somalia, Kooxahaas Oo U Abaabulan Qaab Qabiil, Uuna Madax U Yahay Cabdimalik Muuse Coldoon, Ninkaas Oo Sida Laga Warqabo Mashruuc Ku Soo Qaatay Waxa Loogu Yeedhay Isdhex-Galka Dhallinyarada Somaliland Iyo Somalia, (Somali Youth Integration). Mashruucaas Oo Uu Maal-Geliyo Dalka Turkigu, Gaar Ahaan Safaaradda Dawladda Turkiga Ee Magaalada Muqdisho, Isla Markaana Uu Fududeeyo Wakiilka Dawladda Turkiga Ee U Fadhiya Magaalada Hargeysa, Arrintaasina Waa Mid Aan Qarsoodi Ahayn Oo Sannadadii U Dambeeyey Aad Isu Soo Taraysey.
Waxa Kale Aanu Halkan Ku Caddaynaynaa In Aanu Dabcasar Dalka Iska Iman Uun, Balse Uu Ku Socdey Qorshe Iyo Hadaf Gaar Ah, Kaas Oo Ay Ujeedadiisu Ahayd In Uu Magaalada Hargeysa Iyo Badiba Gobollada Somaliland Ka Sameeyo Kacdoon Shacab, Arrintaas Oo Lagu Soo Beegay Xilligii Uu Jirey Murankii Iyo Xurguftii Ka Dhalatay Doorashadii Madaxtooyada Ee Somaliland, Arrintaas Oo La Hayd Ujeedo Fog Ayna Daaha Dabadiisa Ka Hagayeen Mr. Cabdimalik Muuse Coldoon Iyo Dad Kale Oo Badan.
Waxa Iyana Jirta Barnaamij Kale Oo Ka Socda Warbaahinta Universal Tv, Kaas Oo Loogu Magac Daray ”Madasha Furan” , Isla Markaana Ay Maal-Geliso Safaaradda Dalka Turkiga Ee Magaalada Muqdisho, Barnaamijkaas Oo Sida Halkan Ka Muuqata Loogu Tallo Galay In Dhallinyarada Soomaaliyeed La Isku Dhex-Geliyo (Somali Youth Integration), Kuwaas Oo Gobol Walba Qaar Laga Soo Casuumo, Waxaanad Arkaysaa Habeen Walba Hablo Iyo Inamo Dhallinyaro Ah Oo Lagu Leeyahay Waxay Ka Yimaadeen Magaalooyinka Iyo Gobollada Somaliland, Arrintaas Oo Ah Wax Laga Xumaado, Waayo Ceeb Ka Weyni Ma Jirto In Gabdhaheenii Yar-Yaraa Maalin Walba U Dhuuntaan Muqdisho, Iyada Oo Aan La Garanayn Sababta, Balse Aan Odhan Karo Oo Keliya, Waxa Laga Xaday Maskaxdii, Waxa Kale Oo Muuqata In Dhallinyaradii Reer Somaliland Ay U Milmayaan Sida Saabuunta Oo Kale, Iyaga Oo Run Moodaaya Ilmada Yaxaaska (Crocodile Tears).
Ugu Dambayn Waxa Aanu Ugu Baaqaynaa Dhammaan Shacabka Iyo Xukuumadda Somalilandba In Ay Hurdada Ka Toosaan Oo Ay Indhaha Furaan, Isla Markaana Waddanka La Ilaalaaliyo, Isla Markaana Tallaabo Adag Laga Qaado Kuwa Innaga Inaga Midka Ah Ee Mashuurca Ku Soo Qaatay Sidii Qaranka Somaliland Loo Mijo Xaabin Lahaa Ee U Adeegaya Cadowga Somaliland, Isla Markaana Caayaaya Damiirka Iyo Caqliga Bulshada Reer Somaliland.
Fiiro Gaar Ah: Bal Qof Walawba Aad U Daawo Muuqaalkan Hoose, Kana Soo Jawaab Wixii Kaaga Soo Baxa!!!.

By: Aarjeberti
QN24 News Chief Editor.

COMMENTS
Latest News