qorilugudnews24.com
Baafin: Wiilka Sawirkan Hoose Ka Muuqda Oo Hadda Ku Nool Degmada Walla-Weyn (Daafeed) Ee Gobolka Shabeelada Hoose Ee Dalka Somalia, Oo Baafinaaya Waalidkii Ama Dadkii Ehelkiisa Ahaa, Wiilkaas Oo Qabiilkiisa Ku Sheegay In Uu Yahay, Solomadow, Barre Cabdille, Magaciisana La Yidhaahdo ” Maxamed Maxamuud Ilko-Case (Habaar-Waalid).
December 26, 2017 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Wiilka Yar Ee Sawirkan Hoose Ka Muuqda Oo Hadda Ku Nool Degmada Walla-Weyn (Daafeed) Ee Gobolka Shabeelada Hoose Ee Dalka Somalia, Ayaa Waxa Uu Baafinaaya Waalidkii Ama Dadkii Ehelkiisa Ahaa, Wiilkaas Oo Lagu Magacaabo (Maxamed Maxamuud Cigaal Ilka-Case), Naanaysta Aabaha Dhalay (Habaar-Waalid) Ayaa Sida Uu Sheegay Ka Soo Jeeda Deegaanada Beesha Solomadow, Gaar Ahaan Qabiilka Barre Cabdille,  Inkasta Oo Mar Kalena Lagu Sheegay Qabiilka Abokor Cabdille, Haddaba Fadlan Ciddii Garanaysa Si Deg Deg Ah Ha Ula Xidhiidho Isaga Ama Annaga Hanala Soo Xidhiidho, Si Aan Idiin Siino Macluumaad Intaas Ka Badan.

Fiiro Gaar Ah: Magaca Wiilku Waa:- Maxamed Maxamuud Cigaal Ilka Case (Haabaar-Waalid) Oo Ah Naanaysta Aabihiis,

Waad Mahadsan Tihiin.
By: Aarjeberti.
QN24 WebNews Chief Editor.

COMMENTS
Latest News