qorilugudnews24.com
Halkan Ka Daawo Booliiska Dalka Shiinaha Oo Xidhanaaya Muraayado Ama Ookiyaalo Lagu Aqoonsanayo Wejiyada Dadka Dembiileyaasha Ah.
February 9, 2018 - Written by qoriadmin

Peking-(QorilugudNews24)-Booliiska Dalka Shiinaha Ayaa Bilaabay In Ay Xidhtaan Muraayado Ama Ookiyaalo Lagu Rakibey Kamirad, Kuwaas Oo Ku Xidhiidhsan Khadka Internet-ka, Taas Oo Leh Aalad Casri Ah Oo Lagu Aqoonsan Karo Wejiyada Dadka Dembiyada Lagu Tuhunsan Yahay Ee Ku Jira Diiwaanka Dawladda.
Ookiyaaleyaashan Ayaa Durba Booliiska Ka Caawiyey In Ay Soo Qabtaan Ilaa 7 Ruux Oo La Tuhunsan Yahay.
Booliiska Ayaa Tegey Maxdad Ama Boosteejo Tareen Oo Ay Dad Badani Ku Sugan Yihiin, Kadibna Ookiyaaleyaasha Ku Eegay, Halkaas Oo Ay Ka Dhex Aqoonsadeen Dadkii La Tuhunsanaa.
Sida Uu Qoray Wargeyska People’s Daily, Booliiska Ayaa Sidoo Kale Soo Qabtay 26 Qof Oo Isticmaalayey Kaadhka Aqoonsiga Oo Been Abuur Ah.
Ookiyaalahan Ayaa Sawir Ka Qaadaya Qof Kasta Oo Lagu Eego, Wuxuuna Sawiradaas Barbar Dhigayaa Kuwii Horey U Kaydsanaa Ee Laga Hayey Dad Dambiyo Lagu Tuhunsan Yahay, Sidaasna Waxaa Lagu Heleyaa Macluumaadka Qofka Sida Magaciisa Oo Kale.
Ilaa 17 Milyan Oo Kamirooyinka Aanan Libiqsanin (CCTV) Ayaa Ku Xidhan Shiinaha, Iyada Oo La Qorshaynayo In 400 Oo Milyan Oo Kale La Rakibo Saddexda Sanno Ee Soo Socota.
Shiinaha Ayaa Adduunka Hormuud Ugu Ah Aaladaha Casriga Ah Ee Wejiyada Dadka Lagu Aqoonsado, Waxayna Haddaba Dhisayaan Kamaraddii Ugu Weynayd Adduunka.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News