qorilugudnews24.com
Halkuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Maxamuud Xaashi, Maxaase Laga Xasuustaa Dhacdooyinkii Soo Dhexmaray?.
February 10, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Tan Iyo Intii Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi Uu Tallada Dalka La Wareegey Waxaa Soo Baxayey Tallaabooyin Lagu Sheegay In Lagu Sifaynayo Musuq-Maasuqa, Isla Markaana Lagu Saxayo Nidaamnka Dawladnimo.
Tallaabadii Koowaad Ee Madaxweyne Biixi Ka Bilaabay Waxa Loogu Yeedhay Sifaynta Musuqa Ayaa Noqotay In La Dareeriyo Ku Dhawaad 100 Shaqaale Ah Oo Ka Tirsanaa Wasaaradda Madaxtooyada, Kuwaas Oo Sida La Sheegay Aan Ku Jirin Liiska Shaqaalaha Rasmiga Ahaa Ee Mushaharada Ka Qaadan Jirey Dawladda, Balse Ay Gunnooyin Qaadan Jireen.

Inta badan Shaqaalahaas ayaa ahaa kuwo la qoray wixii ka dambeeyey 2015-kii, Sidoo kale Muddo Yar kadib ayaa la Dareeriyey Shaqaale 120 Qof Oo Ka Hawl-Galayay Wasaaradda Duulista, waxaana sidoo kale lagu sababeeyey inay ahaayeen Shaqaale aan loo baahnayn isla markaana ay wasaaraddu haysato Shaqaale ku filan, haddii ay u baahatana ay U Yeedhan doonto.

Labadan wasaaradooda ayaa uu labada soo maray wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, sidoo kale dhammaan shaqaalaha la eryey ee labada wasaaradood ayaa ahaa kuwo uu Maxamuud shaqo galiyey, arrintan ayaa lagu macneeyey mid Siyaasaddeed oo ay Xukuumadda Cusubi ku Saarayso dhammaan Xididadii Maxamuud Xaashi Ee Ahaa Kuwii Uu Wasiir Awood Lihi Ku Yeelan lahaa Xukuumaddan Cusub, waxa intaas dheer in Labada Wasaaradoodba La Baabi’iyey.

Geesta kale Arbacadii Toddobaadkan ayaa Albaabada loo laabay Shirkadda Ammaanka u qaabilsanayd Madaarrada oo lagu Magacaabi jirey SRM, taas oo sida ay Warar Xogogaal ahi sheegayaan uu Sheer Ganacsi ku lahaa Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada, ka sokow wararka xanta ee sheerka la xidhiidha, Shirkadda SRM Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa la galay Heshiis 50 Sanno ah Wakhtigii Uu Wasiirka Duulista ahaa, waxaana ay u muuqataa in ay ka mid tahay Tallaabooyinka lagu Masaxayo Raadkii Maxamuud Xaashi Cabdi oo dhawaan uun ahaa Shakhsi Saamayn Togan leh, oo xitaa Go’aamin Kara Waxaanu Shaqo Ku Lahayn, Waxaana Xusid Muddan In Xidhista Shirkaddan Loo Adeegsaday Hanti-Dhawraha Guud.

Maxaa Ka Dhexeeya Madaxwayne Biixi Iyo Wasiir Xaashi?

Wakhtigii uu Madaxweyne Muuse Biixi shaaciyey inuu murashaxnimada xisbiga kula tartami doono Madaxwaynihii wakhtigaas Axmed Siilaanyo, waxa jiray guluf ay wasiirro tiro lihi ku qaadeen Muuse Biixi oo xitaa gaadhay in dadka sita astaanta Muuse Biixi la xidho, Wasiirradaas waxa ka mid ahaa Wasiirkii ahaa Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Wakhtigaas Ahaa Wasiirka Duulista, Xilligaas Oo Uu Maxamed Cabdillaahi Cumar Oo Ahaa Wasiirka Qudha ee Muuse Taageeray Xilkii Goor Saq Dhexe Ah Laga Qaaday, Isla Dhacdadaas Waxaa Ka Hadhay Mahadho Cajiib ah, Waxaana Saraakiil KULMIYE ka Tirsani Sheegeen In Uu Maxamuud Ahaa Wasiirkii Maxamed Cabdillaahi Cumar Ku Yidhi Ereyga Ah “Waa Dagaale Dhinac Raac”.

Inkasta Oo Uu Siilaanyo U Tanaasulay Muuse Biixi Ugu Dambayn, sidoo Kalena Maxamuud Xaashi uu Muuse Garab Istaagay Wakhtigii Isbahaysigu Ka Dareereen Xukuumadda Haddana Arrimahaasi may Horseedin in Muuse iyo Maxamuud Dagaalkoodu Istaago, Waxaana uu mar kale Maxamuud Xaashi Cabdi u istaagay sidii uu Guddoomiyenimada KULMIYE uga Rux-Ruxan lahaa Muuse Biixi, waxaa la Xasuustaa Guluf Salaadiin ah oo Maxamuud Xaashi soo abaabulay kuwaas oo ka koobnaa dhammaan raasaska Beesha Habar-jeclo, kuwaas oo Muuse ugu goodiyey inuu ku wareejiyo Maxamuud Guddoominta KULMIYE, hase yeeshee dhammaan Arrimahaas oo uu Muuse Biixi Ka Soo Gudbay Ayaa Sababay in Aan Wakhtigan wax abaal ahi isugu hadhin Muuse Biixi oo Madaxwayne ah iyo Maxamuud Xaashi Oo Dibedda ka Jooga Maamulka.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News