qorilugudnews24.com
“Politics Of The Phase Of The Moon” Madaxweynihii Hore Ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Imisa Wajahaadood Ayuu Siyaasadda Ku Lahaa?.
February 22, 2018 - Written by qoriadmin

Su’aashatan Waxa Aan Ugu Socdaa Siilaanyo Ma Siyaasi Keliya Ayuu Ahaa? Ma Aqoon-Yahan Ayuu Ahaa? Ma Farsamo-Yaqaan (Technocrat) Ayuu Ahaa? Mise Halgamaa (Veteran) Ayuu Ahaa?

Jawaabtu Waa Haa Oo Intaaba Waa U Ahaa Xirfadda Keliya Ee Ka Maqnayd Waa In Aanu Ahayn Askari Marka Ay Dhinaca Siyaasadda Noqoto. Waxase Jira Weji Weyn Oo Siilaanyo Aanay Dad Badani Ku Aqoon Oo Uu Lahaa. Wejiga kan Siyaasiga Yeesha Waxa Cilmiyan Loo Yaqaan “Phase Of The Moon Politician”.

Waxa la ga yaabaa in aad wajigaa aad isku weydiin doontaan aan se Idiin Dedejiyo. Axmed Siilaanyo waxa uu lahaa Laba Xigmadood. Tan hore waa Awoodda Siyaasi Sameynta ee loo yaqaan “Figure Making” iyo Awoodda Cid Kale Boqridda “King Making” oo iyadu ah tan la gu Noqdo “Phase Of The Moon”.

Marka laga tago ugu Yaraan 200 oo Siyaasi oo uu Siilaanyo sameeyey oo aaney ku jirin inta Askarta ahi – Axmed Siilaanyo waxa uu xukunka saaray oo uu Madaxweynayaal ka dhigay saddex Madaxweyne.

1990 waxa uu keensaday oo uu Guddoomiyihii SNM ka dhigay Cabdiraxmaan Tuur oo uu 61 Cod oo uu deegaankiisa ka keenay ku Boqray. Waxana uu afka ciidda u daray Eng. Maxamed Xaashi iyo Professor Ibraahim Maygaag oo iyaga hal deegaan ka soo wada jeedey. Inkasta oo Codad aad u yar oo Shan ah uu Tuur ku helay Tallada Dalka.

Cabdiraxmaan Tuur sidii ayuu Madaxweyne ku Noqday Mar Labaad Markii Dalka la qabsaday. Axmed Siilaanyo Cigaal ayuu haddana deegaankiisa si weyn u ga dhex ololeeyey 1993 – inkasta oo Cigaal Somaliland doorashadiisa u dhammeyd – haddana Axmed Gacan Weyn Ayuu Ku Siiyey Cigaal In Uu Maamulkiisu Shaqeeyo.

Isla 1997-kii Siilaanyo Waxa Uu Taageeray Cigaal – Inkasta Oo Aanu Deegaankiisa Cod Buuran Uga Keenin – Haddana Ma Uu Nasan Oo Deegaannada Harti, Ciise, Arab iyo Sammaroon Kama Uu Lug Qaadin.

Abaalkiisii Waa Kii Cigaal Wasiirkii Ugu Tunka Weynaa U Cimaamaday 1997-Kii Ee Maaliyadda iyo Qorshaynta Qaranka Oo Isku Lammaan U Dhiibey.

Madaxweyne Muuse Biixi isaga intiina badani waad ka war qabtaan in Siilaanyo Maalintii uu qaniinyada ka sii daayey uu Madaxweyne noqday – dadkuna ay odhan jireen Muuse waa Madaxweynaha dhaarta uuni u hadhsan tahay oo Macnawiyan si weyn loo turjumi karo sababta sidaa loo yidhi.

Axmed Siilaanyo keliya ma ahayn siyaasi, Aqoon-Yahan, Farsamo-yaqaan iyo Halgamaa e, sidoo kale waxa uu ahaa sameeye amma unke siyaasadeed oo halis ah. Muwaadin inta aad ku xiiqday Obama, David Cameron iyo Cid Kale Oo Aanay Wax Badani Kaaga Shan iyo Toban ahayn – Baro Ninkaaga aad keliya Xabaasha ku Amaani Taqaan.

Mohamed Hagi Mohamoud

COMMENTS
Latest News