qorilugudnews24.com
Liiska Wasaaraddaha La Qariyey Ee Madaxweyne Kornayl Muuse Biixi, Qaybta U Siiyey Beeshiisa+Eexda & Qaraabakiilka Hadheeyey Xukumaddiisa.
February 25, 2018 - Written by qoriadmin

Madaxweyne Biixi Ayaa Bilihii ugu dambeeyey ku dhawaqayey Magacaabida Xukumaddiisa. isla-markaana waxaa uu madaxweynuhu xilalka ugu mihiimsan uguna badan Ku Taxay Beesha uu ka soo jeedo, isaga oo Magacaabay Sagaal Digreeto oo Cudoon oo ay ku jiraan qaar ka mid Ah wasaaraddo Iyagu Qarsoonaa: Sida Maareeyaha Duulista iyo Hawada, (Wasaaraddii Duulista iyo Hawada), Mareeyaha Hay’adda WFO, Keydka Qaranka Iyo Ka Hortaga Aafooyinka, (Wasaaradda-Dib-U-Dejinta Qaranka) Iyo Agaasimaha Waddooyinka Iyo Gaadiidka (Oo Ah Laba Qaybood Oo Laga Soo Gooyey Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Waddooyinka iyo Wasaaradda Duulista Iyo Gadiidka kaasi oo noqonaya macno ahaan : Wasaaradda Waddooyinka Iyo Gaadiidka.

Haddaba waxaa la yaab kale ku noqotay Bulshadda Somaliland Tallaabadii ugu dambeysay. ee Wasaaraddii Madaxtooyadda oo ahayd wasaaradda dalka ugu hadal-haynta badnayd Xukuumaddii hore ee Kulmiye ayaa iyadana loo Magacaabay kii ugu Dambeeyey oo loogu Magac-Daray Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland.

Wasaraddahan Hay’addaha ku qarsoon ee Afarta ka kooban waxaa ka horeeyey kuwa caadiya . Waa Wasaaradaha : Arrimaha Debadda Iyo Maal-Gashiga. Warfaafinta iyo Wacyi-Gelinta . Boosaha Iyo Isgaadhsiinta, Wasiir ku-Xigeenka Arimaha Gudaha iyo Wasiir-ku-Xigeenka Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumeysiga Iyo xilal aad u fara-badan sida: Agaasimayaasha ugu badan. Badhasaabyo. Iyo kuwii Haayadaha. taliyaasha Sare ee ciidamadda kala duwan iyo Maxkamadaha oo sidoodii loo daayey iyo xilalkale.

Isweydiintu waxay tahay : Maxaa isla soo doontay intan oo masuul ah ee qarsoon oo loo waayey qof tarraxa oo aan beesha Madaxweynaha ahayn?, Maxayse tahay ujeedada jagooyinka qarsoon ka danbeysaa? . Muxuu u maleynayaa Madaxweynuhu inuu Ummaddiisa ku siri-karo Cadaaladda ka fileysey siiba Wasaaraddaha Qarsoon ee uu Magacaabay Beeshiisa Oo Markii Horeba Saami Aad U Fara-Badan Haysatey.

Dhinaca Masuuliyiinta faraha badan. ee sida caadiga iyo sida qarsoon loo magaacabay ayaa Tafsiir Qabyaaladeed Laga Bixiyey, waxayna Doodihii Ugu faraha Badnaa Ka Abuurmeen Baraha Xidhiidhka Bulshada ee Internetka. Iyadoo bilihii iyo Maalmihii ugu dambeeyey si weyn loogu falan-qeeyey digrootooyinkaa Madaxweynaha , siiba Magacaabistii ugu Dambeysay oo laga soo saaray Tafsiir Qabyaaladdeed – kadibna Ay Doodo Badani ka dhasheen.

Si kastaba ha ahaatee su’aasha muhiimka ah ee la Is-waydiinayaa waxa ay tahay Madaxweyne Muuse ma waxa uu doonayaa in Beeshiisa oo qudha uu xilalka dalka oo dhan U Magacaabo ?. Haddiiba ay jawaabtu tahay haa, Sidee ayey Xukuumaddiisu ku noqonaysaa mid la wada leeyahay oo ay iska wada dhex arkaan Beelaha Somaliland oo Dhammi?, Meeday Cadaladdii uu Ku Dhaartay Madaxweyne Biixi . ma sidan ayey ahayd?

Soomaalidu waxa ay Ku Maah-Maahdaa Biyaha aan Hortooda arkaaya Dabadoodana Maxaan ka sugnaa, waxa aan Maah-Maahdan u soo qaatay oo aan uga jeedaa wax Cadaalad oo kale lagama fili karo Mustaqbalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa ay noqon doonto iyada oo ay Maanta Hor-Taalo Xilalkaa faraha badan ee inta badani qarsoon-tahay ee cadaalad darradda iyo anaa Qalinka isu hayaba Ka Muuqato, siiba Magacaabistii u dambaysay ee uu Madaxweynuhu ku sameeyey Digreetadii ugu dambeysay ee uu Shalaytadaa qoyan uu Magacaabay.

Sidoo kale dadka siyaasadda aad u falan-qeeyaa ayaa waxay ku macneeyeen , in xitaa Dadkii ay siyaasadda iskaga horyimadeen Madaxweyne Muuse Aanay Haba-Yaraatee Beelahoodu Kaba Dhex-Muuqan Dawladdiisa.
Taasi oo ka dhigaysa in aanay sinaba U Sax-Sanayn Saami-Qaybsiga Somaliland. sidoo kale waxay banaanka soo dhigtay hadafkii iyo Hindisahii Madaxweynaha. kana Turjumaysa Siyaasad U Qarsoonayd, Isaga oo Muddo Ka Yar Saddex Bilood uun Uu Tallada Hayey.

Sida Muuqata, Madaxweyne Muuse haddii uu ku sii socdo ama uu Hirgeliyo Arrimo fara-badan oo Ugub ku ah Siyaasadda Somaliland, siiba Tallaabooyinka Uu Qaadayo, Si Uu Awoodda Oo Dhan Gacanta Beeshiisa Ay Ku Soo Koobo.
Waxaan Qabaa In Danta Somaliland Ay Ku Jirto In Mansabyada Dawladdu Ay Isu-Dheelli Tirmaan.
Caddaaladdu Waa In Saami-Qaybsi Cadaalad, Wax-Qabad Sinnaan Ah, Fulin Aan Eex Lahayn, Adeeg Aan Qalooc Ku Fadhiyin Lala Yimaado, Ilaa Iminkana Kama Muuqato Dawladdiisa.

Adan Yusuf Elmi

COMMENTS
Latest News