qorilugudnews24.com
Dawladda Emirate-ka Carabta Oo Qarka U Saaran In Ay Dalkeeda Ka Mamnuucdo In Lagu Soo Galo Baasaboorka Somalia, Sidoo Kalena Ay Joojiso Baasaboorada Ay Ciqaamadahu Saaran Yahiin, Isla Markaana Dalkeeda Ka Musaafuriso Boqolaal Kun Oo Ka Soo Jeeda Dalka Somalia.
March 13, 2018 - Written by qoriadmin

Dubai-(QorilugudNews24)-Wararka Lagu Kalsoon Yahay Ee Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Ay Dawladda Dalka Emirate-ka Carabtu Qarka U Saaran Tahay In Ay Dalkeeda Ka Mamnuucdo In Lagu Soo Galo Baasaboorka Soomaaliya, Sidoo Kalena Ay Joojiso Baasaboorada Ay Ciqaamadahu Saaran Yahiin, Isla Markaana Dalkeeda Ka Musaafuriso Boqolaal Kun Oo Ka Soo Jeeda Dalkaasi Somalia, Waxayna Arrintani Ku Soo Beegmaysa Xilli Uu Maamulka Villa Somalia U Gudbiyey Ururka Jaamacadda Carabta Dacwad Ka Dhan Dalka Emirateka Carabta, Taasi Oo Ku Saabsan Maal-Gashiga Dekedda Berbera
Waxa Kale Oo Ay Wararku Sheegayaan in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Dalka Emirate-ku Ay Maalmaha Soo socda go’aano ka soo saari doonto in dalka Emirateka Carabta lagu soo Galo Baasaboorka Dalka Soomaaliya.
Wararka Kale Ee Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Jiro Qoraal Amar Ahoo uu ku Saxeexan Yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Dalka Emirateka Carabta Saif bin Zayed Al Nahyan, loo diray Waaxda U Qaabilsan Dalka Emirateka Jinsiyadaha, Fiisooyinka iyo Socdaalka ee Loo Yaqaano GDRF Ee Xarunteeda ku taallo Magaalada Dubai ee Dalka Isku Emirate-ka Carabta.

Go’aanadda ku qoran amarka Wasiirka Daakhliga Emirate-ka ayaa Sheegaya, in Dawladda Emirateku ay ka mamnuuci doonto in dalkeeda lagu soo galo baasaboorka dalka Soomaaliya, iyo in lagu dhufto fiisooyinka dalka Emirateka Carabta, waxaa sidoo kale go’aanadda daba socda go’aano kale oo dalka Emirateka lagaga saari doono ilaa boqol kun oo qof oo Soomaaliya, kuwaasi oo degenaanshaha ay ku joogaan dalka Emirate uu ugu Yaallo Baasaboorka Dalka Soomaaliyu.

Go’aanaddani ay dawladda Emirateku qaadatay ayaa ka danbeeyey, ka dib markii Usbuucii hore ay dawladda Soomaaliya qoraal cabasho ka dhan ah dalka Emirateka uga gudbisay Jaamacadda Carabta, Qoraalkaasi oo ku saabsana qaabka ay Dawladda Emirateku u Maal-Gashanayso Dekedda Magaalada Berbera.

Dalka Emirateka ayaa waxaa degen ugu yaraan Laba Boqol oo kun oo Soomaali Ah, kuwaasi oo badidood ka shaqeeya Shariikaddaha Kala Duwan Dalkaasi Emirate-ka, Halka Ay Tiro Kelana Ganacsiyo Kala Duwan Ku Leeyahiin Dalka Emirateka

COMMENTS
Latest News