qorilugudnews24.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Ballaadhan Oo Ka Socdey Dalkaasi Turkiga Iyo Ujeedada Weftigan Oo La Shaaciyey.
March 13, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Ballaadhan Oo Ka Socde Dalkaasi Turkiga Oo Uu Hoggaaminaayo Safiir Ku-Xigeenka Dawladda Turkiga U Qaabilsan Bariga Yurub, Aasiya Iyo Waddamada Afrika Ee Saxaaraha Ka Hooseeya, Ambassador Umit Yaldrim.

Kulankan Oo Ka Qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Ayaa Si Qoto Dheer Loogu Lafa-Guray Xoojinta Xidhiidhka Labada Dal Ka Dhexeeya Iyo Sidii Loo Dar-Dargelin Lahaa, Isla Markaana Looga Midho Dhalin Lahaa, Waxna Looga Bedeli Lahaa Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somalia Ee Hore Uga Dhici Jirey Turkiga.
Sidoo Kale, Waxa Kulankaasi Lagaga Wada Hadlay Kaalmada Turkigu Bixiyo In Somaliland Wixii Ay Qayb U Leedahay Aanu U Soo Marin Cid Kale Oo Ay Waxeeda Gaar U Hesho.
Ugu Dambayn Waxa Uu Safiir Ku-Xigeenku Ballan-Qaaday In Dhinacooda Ay Arrimahaasi Xil Iska Saari Doonaan.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News