qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Maamulka Villa Somalia Oo Weerar Xooggan Ku Qaaday Xaruntii Baarlamaanka Ee Maamulkaasi, Sidaana Waxa Warbaahinta U Xaqiijiyey Guddoomiye Jawaahiri.
March 16, 2018 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Maamulka Villa Somalia Pro. Maxamed Cismaan Jawaahiri Oo Goor Dhaweyd Shir-Jaraa’id Ku Qabtay Magaalada Muqdisho Ayaa Sheegay In Ciidamo Ka Amar Qaata Ra’iisal Wasaaraha Maamulkaasi Villa Somalia Mr. Xassan Cali Kheyre Ay Xoog Kula Wareegeen Xaruntii Golaha Baarlamaanka Ee Maamulka Muqdisho.

Prof Jawaari ayaa sheegay in Arrintan Aanay ahayn oo keliya in Aniga xilka La Iga Qaado laakiin La doonayo in lagu Fool Xumeeyo Golaha Shacabka oo ah Waa sida uu hadalka u dhigaye Saldhigga Dawladnimada.

‘’Waxaan Arkaynaa In Laantii Fulintu Weerar Ku Soo Qaaday Golaha Shacabka oo Mooshinkana Dabada Ka Riixaysa, Waxaana la Doonayaa In Lagu Qiimo Tiro Haybada Baarlamaanka Oo Ah Golaha sharci Dejinta ’’ Ayuu Yidhi Guddoomiye Jawaahiri.
Waxa Kale Oo Uu Mr. Jawaahiri Sheegay In Arrintani Salka Ku Hayso Mooshinkii Laga Keenay Maal-Gelinta Deledda Magaalada Berbera Oo Sida Uu Sheegay Muran Siyaasaddeed Oo Aan Markii Hore Laga Fiirsan Ka Dhalisay Gudaha Maamulkaasi Oo Markii Horeba Ku Kala Aragti Duwanaa Mawduucan, Isla Markaana Uu Hadda Xaalkii La Xumaaday Madaxda Ugu Saraysa Maamulkaasi Villa Somalia Oo Lacagta Ay Dalka Ka Dhacaan U Taallo Dalkaasi Imaraadka Carabta, Taas Oo Ay Hadda Ka Cabsi Qabaan In Xanibaad Laga Saaro.

Mar Uu Ka Hadlayey Halka Ay Salka Ku Hayso Xasarada Taagan Ayuu sheegay in ay jiraan Arrimo laga dalbaday in uu Saxeexo oo dhibaato Ku Ahaa Amaannada Golaha Shacabka, taas oo keentey ayuu yidhi in Mooshin La Iga keeno.

‘’Waxaa jira Arrimo La Iga Dalbaday In Aan Saxeexo Oo Aan Diidey oo ka Hor Imanayay Amaanada Naloo Dhiibtey, Waana Tan keentey In Mooshin La Soo Abaabulo Ayuu Yidhi’’ Prof Jawaari.

Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha ayaa Ka Digey Cawaaqibka ka dhalan kara Ciidamada La Dul-Dhigey Golaha Shacabka, isaga oo sheegay in wixii dhibaato ah ee halkaa ka dhaca uu Masuuliyadeeda qaadayo ra’iisal Wasaaraha Somalia.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News