qorilugudnews24.com
Maayirka Degmada Burco Muxuu Ka Yidhi Kooxdii Mashruuca Ku Soo Qaatay Magaalada Burco Ee Soo Waaridey Cudurka Qabyaaladda In Ay Dhex-Dhigaan Bulshada Reer Burco.
April 4, 2018 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Maayirka Degmada Burco Muxuu Ka Yidhi Kooxdii Mashruuca Ku Soo Qaatay Magaalada Burco Ee Soo Waaridey Cudurka Qabyaaladda In Ay Dhex-Dhigaan Bulshada Reer Burco…

Horta La Yaab Iyo Fajaq Bay Igu Noqotay Waanan Ka Noqon Kari Waayey Munaasibadda Sida La Iigu Sheegay Iyo Muuqaalka Aan Ka Dhex Arkay Waxa Ay Kala Noqodeen Kaaf Iyo Kala Dheeri.
Wax Kale Oo Aan Aad U Qiimeeyey Dhallinyaradii Munaasibaddan Igu Soo Sharaftay Iyo Aqoon-Yahannada Dhallinyarada Ah Ee Reer Burco Ee Iyagu Munaasibaddan Ka Soo Xaadiray.
Ismaan Lahayn Dhallinyaradiini Iyo Aqoon Yahankiini Idinka Idin Bedeli Lahaa Ee Reer Burco Ayaa Maanta Maskaxdooda La Kiraysanayaa, Sabaabtaan Taas U leeyahayna Waa Sawirkan Idin Ka Muuqada Ee MunaasibaDdan Loogu Magac Daray Cidhib-Tirka Qabyaaladda.

Waa Ta Koowade Dhallinyarada Iyo Aqoon-Yahanka Reer Burco Ee Munaasibaddan Ka Soo Xaadiray Waxa Aan Idiin Ka Digi Lahaa In Aydaan Noqon Gaashaanka La Isaga Dhigo Waramada Siyaasadda.

Intaa Ka Dib Waxa Uu Duqa Degmada Burco Ustaad Maxamed Muraad Maah-Maahyo Iyo Suugan Isugu Jirtey Carabi Iyo Soomaali ku Duray Labada Masuul Iyo Dhallinyaradii Xisbiga Waddani Ee Iyaguna Munaasibadda Qaybta Ka Ahaa, Waxayna Hadalladiisi U
Dhacayeen Sida Tan.

Wax La Yidhi Maroodigu Ma Arko Takarta Saaran Ee Ta Ka Kale Saaran Buu Arkaa, Waxa Aan Uga Socodaa Dhallintan Gudcurka Gudaysa Ee Martida Ah Qabyaaladda Hargysa Ayaad Degan Tihiine In Aad Horta Iyada Ka Soo Cidhibtirtaan Baa Ka Qurux Badnaan Lahayd Ta Burco Taalla.

Waa Hadday Ujeedadiinu Qabyaaladda Ku Eeg Tahay, Ma Haddii Kale Oo Aad Wax Kale Noo Sheegaysaan Naga Daaya Khamiiskan Qabyaaladda Ah Ee Aad Noo Soo Gashateen Oo Nagula Hadla Luuqad Siyaasaddeed.

Intaa Ka Dib Wax Ay Munaasibadu Isu Bedeshay Mid Ay Gabi Ahaanba Dhalinyaradii Burco Fahantay Isla Markaana munaasibadu U muuqatay Mid Aan Waxba Lagu Kala Dhagysan.
Balse Mid Ka Mid Ah Xildhibaanada Ku Shaqeeya Lacagta Ee Golah Deeganka Ee Degmada Burco Iyo Masuul Ka Mid Ah Labadii Xubnood Ee Iyagu Soo Qaban Qaabiyaaay Munaasibadda Ayaa Si Aan Ku Haboonayn ugu Jawaabay Duqa Degmada Oo Waqtigaasi Aan Joogin Munaasibada

WQ: Eng Miyaami Siciid

COMMENTS
Latest News