qorilugudnews24.com
Xisbiga Waddaniyow Halkee Lagaaga Shubtay Ama Wax Lagaaga Boobay, Bal Dadka U Caddee??.
April 7, 2018 - Written by qoriadmin

Waxaan Su’aashan Weydiinayaa Xisbiga Waddani Ee Ay Masuuliyiintiisu Sida Joogtada Ah Ugu Soo Cel-Celiyaan ”Waa Nala Boobay”, Waxaanan Jeclaan Lahaa In ay Bulshada U Soo Bandhigaan Sida Loo Dhacay Iyo Goobaha, Degmooyinka Iyo Gobollada Laga Boobay.

Dalka Guud Ahaan Waxa Doorashadu In Ay Ka Dhacdo Loogu Tallo Galay 6 Gobol Oo Ka Kooban 23 Degmo Doorasho, Hase Yeeshee Waxay Doorashadu Ka Dhacday 21 Degmo Oo U Qaybsan Sidan:

1. Gobolka Awdal: 4 Degmo Oo Kala Ah Saylac, Lughaya, Baki Iyo Boorame.

2. Gobolka Maroodi-jeex: 4 Degmo Oo Kala Ah Gebiley, Hargeysa, Balligubadle Iyo Sallaxley.

3. Gobolka Saaxil: 2 Degmo Oo Kala Ah Sheekh Iyo Berbera.

4. GobolkaTogdheer: 3 Degmo Oo Kala Ah Burco, Oodweyne Iyo Buuhoodle.

5. Gobolka Sool: 4 Degmo Oo Kala Ah Caynaba, Laascaanood, Xuddun Iyo Taleex.

6. Gobolka Sanaag: 4 Degmo Oo Kala Ah Gar’adag,
Ceel-Afweyn, Ceerigaabo, Iyo Badhan.

Labada Degmo Ee Aanay Doorasho Ka Dhicin Waa Laas-Qoray Iyo Dhahan Oo Labaduba Ka Tirsan Gobolka Sanaag.

Horta Marka Hore Taasi Waa Guul Qarankani Gaadhey Oo Aan Marnaba Halkaa Hore U Gaadhin, Waxaana Sababteeda Iyo Amaanteedaba Leh Madaxweynihii Hore Ee Qaranka Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Illaahay Cimriga Ha U Barakeeyee Iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Iyaguna Fuliyey.

21-ka Degmo ee Doorshadu ka dhacday 13 ka mid ah waxaa ku badiyey Xisbiga KULMIYE, Waana Degmooyinka: Saylac, Lughaya, Gebiley, Hargeysa, Balligubale, Berbera, Sheekh, Burco, Buuhoodle, Caynaba, Taaleex, Gar’adag iyo Ceel-Afweyn.
8-da Degmo ee kalena waxaa ku badiyey Xisbiga WADDANI waana: Boorame, Baki, Sallaxley, Oodweyne, Laascaanood, Xuddun, Ceerigaabo iyo Badhan.

Gobollo Haddii aynnu u eegno
Saddex Gobol waxaa ku Badiyey KULMIYE waana Maroodi-jeex, Saaxil iyo Sool.
Saddexda kale ee Awdal, Togdheer iyo Sanaagna waxaa ku Badiyey WADDANI.

Haseyeeshee kala badinta Goobllad ayaa ahayd mid Qaarna aad loo kala fogaadey Kuwana La Isku Dhawaa.

Gobollada KULMIYE Ku horreeyey Faraqa ayaa ahaa mid weyn oo u dhexeeya 5000-60,000. Oo Cod.
Gobollada waddani ku horeeyeyna faraqa ayaa yaraa oo u dhexeeyey 1900-2500 Oo Cod.

Haddii Degmooyinka aan ku Noqdo Murrashaxiinta Madaxweynaha Mid Waliba degmo u gaar ah deegaankiisa ayaa jira oo aanu Murrashaxa kale Cod ahaan u soo dhowaan,

Murashaxii Madaxwynaha ee Kulmiye Waxa uu Gaar u lahaa Degmada Gebiley waxaanu ka helay 37,000 oo Cod, halka Murashaxii Xisbiga Waddani ka helay 2,731 cod.

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI waxa uu gaar u lahaa Degmada Oodweyne Waxaanu Ka Helay 15,792 Oo Cod, Halka Murashaxa KULMIYEna Ka Helay 1,767 Oo Cod.

Waxaad Arkaysaa In Murashaxa Xisbiga Waddani Codka uu ka helay Degmada Gebiley ay ka badan tahay ta uu Murashaxa Xisbiga KULMIYE ka helay Degamada Oodweyne, haddana kama uu Caban Oodweyne Oo Ma Odhan Waa la Igaga Shubtay, Sabata oo ah waxa uu ku qanacsanaa Waaqica Aynu Ku Nool Nahay sida uu u Yaallo, laakiin Murashaxii Xisbiga WADDANI Gebiley aad ayuu Uga Cawday ilaa Saddex Maalmood Loo Hakiyey Soo Saaristii Natiijada Ee Degmada Aakhirkiina si loo qanciyo Laba Sanduuq oo uu ku dhegey Ayaa Loo Furay, Si looga dhigo waxba kama jiraan Waxa Uu Ku Andacoonayo.
Waxa kale oo Murashaxa WADDANI kaga horeeyey Murshaxa KULMIYE degmada Sallaxley.

Degmooyinka Deegaan ahaan Taageerayaaashoodu wada Yaallaan midna taageerayaashiisii Cod macno leh may siin Murashaxa Kale sida Hargeysa, Berbera, Sheekh, iyo Burco.

Waxa jira Deegaanno midkood Taageerayaal deegaan ku leeyahay sida CEERIGAABO, taas oo kale waxba kamuu helin Murashaxii KULMIYE.

waxa soo hadhay Deegaanno ay degaan dad aan midna u ahayn Taageerayaal Deegaan, laakiin ah taageerayaal Xisbi, BURCO, Barigeeda, Buuhoodle Galbeedkiisa, Caynaba, Gar’adag, iyo Ceel Afweyne Badankiisa, Saaxil Barigeeda, waxa ay Taageereen Murshaxii Xisbiga KULMIYE codkoodiina 90% ayey siiyeen.
Degaammada Sool, Sanaag Bari iyo Koonfurta sanaag badankoodu waxay taageereen Xisbiga WADDANI.

Deegaanka Balli-Gubadle Celcelis ahaan waxa uu u batay dhinaca Murashaxa Xisbiga WADDANI.

Gobolka Awdal Labada Murashax Madaxweyne ku-xigeen ee KULMIYE iyo WADDANI mid waliba waxa uu ku xoog batay Laba Degmo oo uu ka soo jeedo.

GEBAGEBO.
Intaas marka aan Fahamney:

Murashax WADDANI ma waxa uu Filanayey inuu Murashaxa KULMIYE kaga Badiyo Deegaannadiisa? Murashaxa KULMIYE ma filanayn inuu Murashaxiinta kale Deegaannadooda kaga badiyo.

Murshaxa WADDANI ma waxa uu finayey in uu Deeagannadiisa ku badiyo, Murashaxa kalena Deegaannadiisa la qaybsado, Arrintaasi Waa Ta Aan Is leeyahay Way Jirtaa?.

Murashaxa WADDANI ma waxa uu filaayey in ku-xigeenkiisu deegaannadiisana ku Badiyo, Ku-xigeenka kale kuwiisana la qaybsado?, Sidaas Ayaanu xisbiga KULMIYEna u filanayn in GOBOLKA Awdal lala Qaybsado, nin walba mid aanu filayn oo naxdin ku noqotay ku dhacday, laakiin Murashaxii KULMIYE wuu is qanciyey, Murashaxii WADDANI se wuu is qancin kari waayey.

Xisbiga WADDANi ma waxa uu filaayey inuu Murshaxa KULMIYE kaga badinayo Degmooyinka BURCO, CAYNABA, GAR’ADAG iyo CEEL-AFWEYN?
haddii uu kuwaas Qoondaysatay waa xisaab ka gedmatey oo ka khaldanaatay in kasta oo uu tacab badan geliyey.

xisbiga WADDANI dib ha isugu noqdo oo ha xisaabtamo qalin Iyo buug dib ha u qaato,Xaqiiqada ha waajaho Oo ha soo saaro waxa ka khaldamay.

CAR ha sheego 1642 Goobood ee Doorashada loogu Tallo-galay intoodii ay ka dhacday ta keliya ee lagaga shubtay, ama xataa laga kansal gareeyey, Xisbiga KULMIYE waxa laga kansal gareeyey 4 Goobood labana Gebiley tahay labana Degmada Qorilugud Ahayd, Kadib markii ay ku dhegeen si loo Qanciyo.

WADDANI yaanu eedayn Komishanka ee hadduu koleyba cid saarayo eed aanay lahayn ha eedeeyo Shacabka ka Codeeyey.

MURASHAX WALIBA DEEGAANKIISA CODKIISII ISAGA AYAA HELAY, DEEGAANNADII KALENA WAY QAYBSAMEEN SIDII LA DOONO HA LOO KALA BADSADEE, DOORSHO KA NADIIFSANA UMA SOO JOOGIN.

WADDANI NATIIJADII HADH GALAY AYUU AQBALAY CIDDINA MA KHASBIN, MAXKAMADDANA DACWAD MUU GEYSAN CIDDINA ISKAMA HORTAAGIN.

GAR DABADEEDBAAN GUUGUU NACAY.

Waxan Ku Soo Ururinayaa, Qoraalkan dib Uman Akhriyin, dareenkayga iyo sidaaa aan xaqiiqada u arko, ciddii jawaab haysaa si Nadiif ah oo Bilaa Turxaan Ah Ha Uga Soo Jawaabto.

WAXAAN SOO WADAA GOOBIHII OO DHAMMAYS TIRAN
Wa Billaahi Tawfiiq.
By: Abdulkariim Ahmed Mohamed

COMMENTS
Latest News