qorilugudnews24.com
Cirro Bari Ayuu U Guurey, Uur-Cadde Oo Galbeedka Xarun Ka Furaaya, Xil Ka Xayuubin La Diyaariyey Iyo Khilaafkii Xisbiga Waddani Oo Garsoorka U Gudbaya.
April 17, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Khilaafka Ka Dhex Qarxay Xisbiga Waddani Oo Hadda Laba Garab U Kala Jabay, Ayaa Waxaa Muuqanaysa Calaamado Muujinaya In Diyaar-Garowgiisu Muddo Soo Jiitamayey Oo Uu Soo Bilowday Doorashadii Kadib.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Ayaa Xaruntii Xisbiga Goor Aan Habeen Iyo Maalintoona Ahayn U Raray Bariga Magaalada Hargeysa, Isaga Oo Ka Fogeeyey Dhammaanba Dhulkii xXafiisyada Ku Wanaagsanaa, Taas Oo Aan Markii Hore La Dhaadayn Balse Hadda Weji Kale Yeelatay.
Xoghayaha Guud Waxaa Laga Sheegay In Aanu Ka War Qabin Hayaan Bariga, Oo Uu Mar Qudha Xafiiskii Meeshii Ka Waayey.

Sida Ay Rumaynayaan Xubno Ku Dhow-Dhow Garabka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, Uur-Cadde ayaa ku mashquulsan Abaabulka Furista Xarun Weyn oo Laga Furayo Galbeedka Magaalada Hargeysa oo ah Deegaanka ay ku yaaliin dhammaan Xafiisyada Muhiimka ah ee Somaliland, Dawlad iyo Shacaba, Sidaas Uur-Cadde ayaa ku hawlan Xilka ka Xayuubin Guddoomiye Cirro, isaga oo ku Eedaynaya Khiyaamo Qaran.

Dhanka Kale Xalkii Khilaafka Ee Labada Garab Ee Xisbiga Waddani Ayaa U Gudbaya Hay’addaha Garsoorka Ee Somaliland, Iyada Oo La Rumaynayo In Garabka Uur-Cadde Ay Labada Maalmood Ee Soo Socda Dacwad U Gudbin Doonaan Maxkamadda Sare Ama Hay’addaha Ku Shuqul Leh Garsoorka Khilaafka Xisbiyada, Iyada Oo Laga Yaabo In Ay Muddo Qaadato Xukun Ka Gaadhisteedu.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News