qorilugudnews24.com
Waa Maxay Sababta Ay Mulkiilayaasha Website-Beeledyada Laga Leeyahay Deegaanada Beelaha Habar-Jeclo U Soo Waaridaan Cayda Reer Hargeysa, Goorma Ayeyse Caydii Reer Hargeysa Noqotay Lacagta)??.
May 3, 2018 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Dad Badan Oo Anigu Aan Ka Mid Ahay Ayaa Waxa Ay Isweydiinayaan Sababta Ay Mulkiilayaasha Website-Beeledyada Laga Leeyahay Deegaanada Beelaha Habar-Jeclo U Soo Waaridaan Cayda Reer Hargeysa Iyo Goorta Ay Caydii Reer Hargeysa Noqotay Lacagta??,
Haddaba Akhriste Arrintan Oo Aan In Badan Daba-Gal Ku Ahayey Ayaan Anigu Ka Badin Waayey In Ay Salka Ku Hayso Keliya Iimaan La’aan Ay Wehilinayso Aqoon- Darri Iyo Faham La’aan Aanay Weli Kooxahani Wax Feker Ah Ka Haysan Xagga Mihnadda Saxaafadda Iyo Xulashada Hadba Mawduucyada Xiisaha Leh Ee U Baahan In Loo Soo Bandhigo Ama Loo Soo Gudbiyo Bulshadeena Iyo Ta Caalamkaba, Si Loo Gaadho Bulsho Dadkeedu Fiyow Yihiin, Dhinaca Jidhka, Maskaxda Iyo Bulshonimadaba.
Saxaafadda Iyo Suxufiguba Waxa Ay Qayb Muhiim Ah Ka Qaadan Karaan, Dhinaca Wacyi-Gelint Bulshada, Ka Hortaga Tahriibka Iyo Khatarta Ay Leedahay, Waxbarashada Iyo Aqoonta Guud, Dhaqaalaha, Dhaqanka Iyo Hidaha, Ilaalinta Deegaanka Iyo La Dagaalanka Dhuxusha, Kor U Qaadida Aqoonta Iyo Garaadka Da’Yarteena Soo Koreysa.
Saxaafadda Iyo Suxufigu Waxa Ay Noqon Karaan Baraha Ama Macallinka Iyo Hagaha Bulshada, Waxa Kale Oo Ay Saxaafaddu Noqon Kartaa Cadow Haddii Loo Adeegsado Dhanka Xun, Taas Oo Sababi Karta Masiibooyin Kala Duwan Oo Laga Dhaxli Karo Burbur Baahsan Oo Bulsho Iyo Mid Dhaqaale Oo Aan La Mahadin, Waana Arrinta U Baahan In Marwalba In Laga Tahadaro Iyo In Laga Fogaado.
Haddaba Saxaafaddii Deegaanada Aan Kor Ku Xusay Ayaad Beryahan Dambe Moodaa In Ay U Xuubsiibatay In Ay Bulshada U Soo Waaridaan Cayda Reer Hargeysa Ee Gidaar Walba Taalla, Halkii Ay Soo Bandhigi Lahaayeen Dhibaatooyinka Baahsan Ee Ka Taagan Deegaanadii Ay Ku Abtirsanayeen, Deegaanadaas Oo Tan Iyo Intii Ay Somaliland Jirtey  Ay La Soo Deristey Dib U Dhac, Abaaro Is Daba Joog Ahaa Iyo Saboolnimo, Kuwaas Oo Ay Indhaha Ka Qarsadeen Dhammaan Xukuumaddihii Kala Dambeeyey Ee Soo Mara Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.
La Soco Qaybaha Dambe…..
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News