qorilugudnews24.com
Faah-Faahin Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaysa Weerar Mindi Loo Adeegsadey Oo Galaaftay Nolosha Dad Badan Oo Reer Paris Ah.
May 14, 2018 - Written by qoriadmin

Paris-(QorilugudNews24)-Nin Mindi Ama Toorey Ku Hubaysnaa Ayaa La Sheegay In Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Dhaliyey Ka Geystay Badhtamaha Magaalada Paris Ee Caasimada Dalka Faransiiska.

War Ka Soo Baxay Ciidamada Ammaanka Ee Magaalada Paris Ayaa Lagu Sheegay In Nin Mindi Ku Hubaysnaa Uu Diley Hal Ruux, Sidoo Kalena Dhaawacay Afar Qof Oo Kale, Waxaana Xaalad halis ah ku sugan Laba Ruux Oo Ka Mid ah Dadkii la dhaawacay.

Ciidamada Booliiska Oo Goobta Weerarku Ka Dhacay Si Deg Deg Ah U Soo Gaadhay Ayaa Toogtey Ninkii Mindida ku hubaysnaa, Dacwad Oogayaasha Faransiiska Ayaana Bilaabay Baadhitaano Lagu Samaynayo Ninkan Weerarka Fuliyey Oo Lagu Tuhmaayo in Uu Xubin Ka Yahay Ururka Daacish.

Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emmanuel Macron Ayaa Si Kulul U Cambaareeyey Weerarkan Ka Dhacay Paris, Waxaana Uu Sheegay In Dalkiisu Diyaar U Yahay In Uu Iska Difaaco Waxa Loogu Yeedho Argagaxisada.

Dalka Faransiiska Waxaa Marar Badan Ka Dhacay Weeraro Ay Geysteen Ururka Daacish, Waxaana Weerarada Ay Yurub Ka Geystaan Kooxdaasi Dalka Ugu Badan Ay Ka Dhaceen Uu Noqday Faransiiska.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News