qorilugudnews24.com
Mashruucii Federalism-ka Ee Ay Qandaraaska Ku Soo Qaateen Mr. Buubaa Iyo Xisbiga Waddani Oo Dalka Marba Sida Foolkaanaha Meel Ka Qarxaaya Iyo Bulshada Reer Somaliland Oo Isha Ku Haysa.
May 15, 2018 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Magaalooyinka Ceerigaabo Iyo Burco Ayaa Waxa Maanta Ka Dhacay Mudaharaadyo Lagu Taageerayo Colaadda Ka Aloosan Gobolka Sanaag Iyo Taliye Falaagoobey Oo Duurka Galay, Arrintaas Oo U Muuqata In Dalka Lagu Soo Duuley, Isla Markaana Uu Mashruucii Federalism-ka Ee Ay Mr. Ismaaciil Hurre Buubaa Iyo Xisbiga Waddani Qandaraaska Ku Soo Qaateen Uu Marba Sida Foolkaanaha Dalka Meel Ka Qarxaaya.
Waxa Kale Oo Arrintaas Dabada Ka Riixaya, Isla Markaa Baasiinka Ku Sii Shubay Maamulka Taagta Darran Ee Villa Somalia Iyo Dawladda Yar Ee Dalka Qatar Oo Dhaqaale Xooggan Ku Bixinaaya, Taas Oo Lagu Doonayo In Gudaha Dalka Somaliland Looga Abuuro Dagaalo Sokeeye Oo Lagu Hoobto, Si Loo Mijo Xaabiyo Qaranimada Iyo Jiritaanka Somaliland.
Shakina Kuma Jiro In Safarkii Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Ee Uu Dhawaan Ku Tegey Gobolka Sool Iyo Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Sanaag Uu Salka Ku Hayey Shirqoolo Iyo Dabino Dhagareed Oo Qarsoon Iyo Isbaahaysi Cusub Oo Lagu Doonayo In Colaad Sokeeye Lagaga Abuurayo Gudaha Somaliland, Isla Markaana Lagu Kala Furfurayo Gebi Ahaanba Ciidanka Qaranka Somaliland, Arrintaas Oo Ay Cadowga Somaliland Iyo Maamulada Yar-Yar Ee Ka Jira Dalka Somalia Ay Si Weyn Ugu Riyaaqeen Isla Markaana Ay Si Niyad Sami Ah U Soo Dhaweeyeen.
Dhinaca Kale Warar Aanu Ka Helay Ilo-Wareedyo Muhiim Ah Ayaa Sheegaya In Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Markii Uu Arrintaas Meel Ku Soo Hubsaday Uu Orod Ku Galay Dalka Finland Oo Uu Hore U Degenaan Jirey, Isaga Oo Ka Cabsi Qabey Baa La Yidhi In La Isku Dul Qabsado Oo Ay Dhibaato Ka Soo Gaadho Dagaal Dhaca Isaga Iyo Qoyskiisaba.

La Soco Qaybaha Dambe.

By: Adnaan Cabdalle Rooraaye.

rooraye34@hotmail.com

Burco/ Somaliland.

COMMENTS
Latest News