qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Dagaal Qadhaadh Oo Saaka Qarxay Deegaanka Tuka-Raq Ee Gobolka Sool, Dagaalkaas Oo U Dhexeeya Ciidamada Qaranka Ee Somaliland Iyo Maleeshiyo Laga Soo Ururiyey Deegaanada Maamul-Goboleedyada Ka Jira Dalka Somalia.
May 15, 2018 - Written by qoriadmin

Laascaanood-(QorilugudNews24)-Dagaal Qadhaadh Ayaa Saaka Qarxay Deegaanka Tuka-Raq Ee Gobolka Sool, Dagaalkaas Oo U Dhexeeya Ciidamada Qaranka Ee Somaliland Iyo Maleeshiyo Laga Soo Ururiyey Deegaanada Maamul-Goboleedyada Ka Jira Dalka Somalia, Dagaalkaas Oo La Sheegay In Uu Ka Socdo Dhawr Aag Oo Kala Duwan Ayaa Waxaa Soo Qaaday Maleeshiyaadka Somalia, Kuwaas Oo Ciidanka Somaliland Kala Kulmay Jawaab Adag Oo Aanay Mahadin Iyada Oo Sida La Sheegay Uu Firxadkoodii Garoowe Dhaafay.
Wararka Aanu Heleyno Ayaa Waxa Ay Noo Xaqiijiyeen In Ciidamada Somaliland Ay Dagaalkaas Ku Furteen Gaadiid Dagaal Iyo Saanad Kale Oo Military, Halka Ay Gubeen Baabuur Dagaal Oo Kale.
Si Dhaba Looma Xaqiijin Khasaaraha Dhabta Ah Ee Dagaalkan Saaka La Isku Fara-Saaray Ka Dhashay Maadaama Oo Uu Weli Dagaalku Socdo
Taliyaha Ciidamada Militariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani Oo Isagu Goor Dhaweyd La Hadlay Laanta Afka soomaaliga Ee BBC-da Ayaa sheegay In dagaalkan saaka ka dhacay Degmada Tuko-Raq Ay Bilawday Puntland.

Weerar Ciidamada Puntland Ayaa Ahaa Mid Fuleynimo Ah, Isla Markaana Ay Ku Soo Beegeen Xuska 18-Ka May, Balse Waxay Kala Kulmeen Jab Xooggan Kadib Markii  Ay Ciidanka Qaranka Somaliland Ku Dhufteen Dhirbaaxo Kulul Oo Aanay Mahadin,

Ciidanka Qaranka Somaliland Wuxuu Gubay Gawaadhi Dagaal, Halka Ay Qaar Kalena Furteen, Dagaalkan Oo Ahaa Mid Faraha Lagaga Gubtay, Ilaayo Hadda Lama Hayo Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca Ee Ciidamada Iskaga Hor Yimi Duleedka Deegaanka Tuka-Raq, Balse Warar Hoose Oo Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Ay Jiraan Gurmad Xooggan Oo  Ay Labada Dhinac Kala Helayaan.

Dhinaca Kale Puntland Oo Iyana Ay Laanta Afka Soomaaliga Ee BBC-du La Xidhiidhay ayaa Ka Gaabsaday In Ay Bixiyaan Wax Faah-Faahin Ah Oo Dagaalkan Saaka Ku Saabsan.
Goor-Dhow La Soco Wixii Warar Ah Ee Ammuurtaas Ku Saabsan

Isha Ku Hay Warbaanta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News