qorilugudnews24.com
Dhacdo Xambaarsan Daymo Naxariiseed Iyo Dareen Bini’aadanimo.
May 26, 2018 - Written by qoriadmin

Dhacdadani Waxay Ku Tusaysaa Naxariista Iyo Dun Wanaagga Dadkeena Iyo Ciidankeena Qaranka Somalialnd…... Burco-(QorilugudNews24)-Waxa Uu Ahaa Mid Ka Mid Ah Maxabiistii Laga Qabtay Ciidamada Puntland, Waxa Uu Ahaa Dhaawac Dhanka Uur Ku Jirta Ah’, Da’ Ahaan Waxa Uu U Ahaa Mid Aad U Yar, Waxaanu Qiyaas Ahaan Jirey 16-17 Sanno, Dhaawaciisa Waxaa La Soo Gaadhsiiyey Cisbitaalka Magaalada Burco, Si Loola Tacaalo Xaaladdiisa Caafimaad, Markii La Soo Gaadhsiiyey Cisbitaalka Waxa Uu Ku Tiraabayey Hadallo Uu Ku Muujinaayey Nacaybka Uu U Qabo Dadkeena Iyo Dalkeena Somaliland, Isaga oo aad ugu Celcelinayey, Hadalladaa Nacaybka Xambaarsan.
Waxa La Jiifiyey Saaladii Cusbitaalka Waxaanay Gaadhey Xilligii Dhiigga Lagu Shubi Lahaa Maadaama Oo Uu Dhiig Baxay, Waxa Loo Sheegay In Dhiig Loo Shubayo Isaga Oo Markaasi Kor U Qaylinaya Ayaa Uu Yidhi
(Haygu Shubina Dhiigga Dadkan Haddii Kale Waxaan Noqonayaa Doqmo Sidooda Oo Kale Ah)
Intaasi Kadib Markii Xaaladiisii Caafimaad La Daaweyey Waxaa Loo Ogolaaday In Hooyadii Ugu Timaado Cusbitaalka, Waxay Soo Gaadhey Hooyadii Magaalada Burco Kadib, Waxay Heshay Inankeedii Si Dhib Yar. Xaal Wuxuu Halkaa Joogaba Waxa Hooyadii Soo Wajahday Cabsi Iyo Wer-Wer, Waxaanay U Baqanaysey Inankeeda Waxa Ay Dawladu Ka Yeeli Doonto Iyo Halkuu Ku Dambaynayo.
Nasiib Wanaag Waxaa Booqasho Ku Yimid Cusbitaalka Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismacil Taani, Si uu U ogaado Xaaladda Dhaawac ee Ciidanka Qaranka, Caadiyan Marka Qof Xanuunsanayaa Jiifo Sariirta, Qofku badanaa la joogaa ee u Adeeggaa Waxa Uu Ag fadhiistaa Sariirta Qofku ku jiifo weliba Isaga Oo ku dhow.
Hooyada Dhashay Wiilkan Ayaa Markaa Ahayd Mid Dul Fadhidey Inankeeda Weliba Iyada Oo Aad Ugu dhow, Waxaana Soo Maray Sariirtii Uu Jiifay Inankii Yaraa Taliyihii Ciidanka Qaranka, Waxaanay Milicsatay Hooyadii Dhashay Inanka Taliyahii, Waxaanay Isla Markiiba Ay Hooyadu Aragtay Taliyaha Iyo Ciidanka badan ee la socda Soo wajadey Cabsi Xooggan Waxanay Si Dhakhso Ah Ugu Dedey Go’ Inankeedii iyada oo Damacsan In Ay Ka Qariso Ciidanka Ku Soo Fool Leh, Waxaana Isla Markiiba Arkay Arrinkii Taliyaha, Waxaanu Su’aaley Hooyadii Waayo Qofka Aad Halkan Ku Qarinaysaa Hooyo?, Waxaanay Hooyadii Si Dhakhso Ah, Ugu Jawaabtey hadallo Is dhaaf Ah oo Iska hor imanaaya, Waxaana Laga Qaaday Go’ii Ay Ku Dedey Hooyadu Ilmaheeda, Kadib Markii Uu Taliyuhu Arkay Wiilka, Waxay Hooyadii bilowday Calaacal Iyo Catoow Hooyanimo, Iyada oo Taliyaha Ku Leh, Hooyo Waa Inan Yar Oo La Soo Khalday, Waxba Kala Garan Maayo Ee Iska Daaya Iyo Hadallo Kale Oo La Mid Ah.
Waxa Uu Taliyahu Ku Regay Deymo Naxariiseed, Waxaanu U Fidiyey Cafis, Isaga Oo Siiyey Hooyada Iyo Wiilkeeda Kharash Gaadhaya $1000 Doollar, Waxaanu Isla Goobtii Ugu Sheegay In Ay Hadda Hooyadu Kaxaysan Karto Inankeeda Weliba Si Shuruud La’aan Ah.
Waxay Ka Ducaysey Hooyadii Afka Iyo Uurkaba Iyada Oo Aad Ugu Faraxday Arrinkaa Qiimaha Badan Ee Uu Taliyuhu Ku Sii Madax Daayey Inankeeda.
Inankii Yaraa Ee Hadallada Nacaybka Ah, Ku Tiraabayey Waxa Uu Dareemay Xishood Waxaanu La Kulmay Waxaanu Filanayn Ugu Dambayn Waxa Uu Sheegay In Uu Ka Soo Hayaamayo Puntland.
Sidani Waxay Ka Mid Tahay Siyaasadda Dagaal Ee Cajiibka Ah, Isla Markaana Dadka aad ku Degi Karto Qalbigooda Adiga Oo Aan Isticmaalin Wax Hub Ah.

W/Q: Aqoonyahan Fadxi Garaad Ciise

COMMENTS
Latest News