qorilugudnews24.com
Bulshada Reer Somaliland Oo Su’aalo Badan Iska Weydiinaysa, Waxa Uu Yahay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Mareegaha Karinnews, Burcoonline Iyo Maamulka Pintland.
June 5, 2018 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Bulshada Reer Somaliland Oo Ee Ku Kala Dhaqan Daafaha Dunida Iyo Dalka Somaliland Gudihiisaba Ayaa Su’aalo Badan Iska Weydiinaysa, Waxa Uu Yahay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Mareegaha Karinnews, Burcoonline Iyo Maamulka Pintland, Waayo Waxa Muuqata In Ay Mareegahaasi Si Toos Ah Uga Mid Noqdeen Warbaahinta Iyo Caroogga Laga Afuufo Barabagaandhada Iyo Dhuusada Ee Ay Saydhinayaan Maamul-Goboleedyada Taagta Darran Ee Pintland Iyo Villa Somalia.
Haddaba Iyada Oo Ay Horeba U Jireen Mareego Iyo Warbaahin Kala Duwan Oo Laga Leeyahay Deegaanada Somaliland Oo Si Toos Ah Iyo Si Dadbanba Ula Soo Saftay Qaar Ka Mid Ah Maamulada Ka Jira Dalka Somalia, Ayaa Hadda Waxa Ku Soo Biiray Mareegaha Kor Ku Xusan Ee Karinnews Iyo Burcoonline, Kuwaas Oo Aad Moodo In Ay Kala Garan La’ Yihiin Cadowgii Iyo Qarankii Somaliland, Isla Markaana War Moodey, Soona Waarida Beenta Iyo Dacaayaddaha Raqiiska Ah Ee Ka Dhanka Ah Jiritaanka Iyo Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, Arrintaas Oo U Muuqata In Wax Lagu Soo Shubtay Oo La Soo Isticmaalay, Isla Markaana Lagu Soo Maal-Geliyey In Ay Faafiyaan Beenta Iyo Dhuusada Maamulkaasi Pintland Iyo Xulafadiisa, Si Bulshada Reer Somaliland Dhegaha Looga Wasakheeyo.

Waxa Haddaba Bulshada Reer Somaliland Loogu Baaqayaa Meel Kasta Oo Ay Joogaanba In Laga Digtoonaado Kuwa Inala Haybta Ah Ee Cadowgeena U Adeegaya, Ee Sharaftoodii, Karamadoodii Iyo Qaranimadoodii Ka Doorka Biday In Ay Dhaafsadaan Shillimaad Yar Iyo Waxoogaa Sandareero Ah, Waana In Dagaal Toos Ah Iyo Mid Dadbanba Lagu Qaado Meel Kasta Oo Ay Ku Sugan Yihiinba, La Iskana Celiyo, Isla Markaana Aan Mereegahaasi La Booqan Oo Aan La Akhrisan, Si Aanay Dhegaha Idiin Ka Wasakhayn Beenta Iyo Dacaayadaha Raqiiska Ee Ay Ka Soo Waaridayaan Deegaanada Maamulada Pintland Iyo Villa Somalia, Kuwaaas Oo Aynu Og Nahay In Yihiin Cadowga Koowaad Ee Somaliland.

Wa Billaahi Tawfiiq.

By: Weriye Cabdalla Jaylaani Nuuradiin
Burco/Somaliland

COMMENTS
Latest News