qorilugudnews24.com
Booyadihii Gurmadka Abaaraha Ee Ay Xukuumaddii Hore Ee Madaxweyne Siilaanyo U Soo Iibisay Oo Baadhitaan Dheer Kadib Laga Soo Helay Geydh Cidlo Ah Oo Lagu Xaraystay.
June 6, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Booyadihii Gurmada Abaaraha Ee Biyo-Dhaamiska Ee Ay Xukuumaddii Hore Ee Madaxweyne Siilaanyo U Soo Iibisay Ayaa Muddo Dheer Oo Ay Xukuumadda Cusub Baadi Goob Ugu Jirtey Waxa Aakhirkii La Sheegay In Laga Helay Gaydh Cidlo Ah Oo Galbeed Magaalada Hargeysa Ku Yaalla, Halkaasi Oo Sida La Sheegay Lagu Khabaystay Isla Markaana Laga Furay Summadii (No: Plates) Dawladda Ee Ay Lahaayeen.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in Booyadahaasi oo Weli Jidiid Ah isla markaana lagu ururiyay Gaydh Cidlo ah ay soo Ogaadeen dad ay Xukuumaddu U Adeegsatay in ay La Baadi Doonaan hantidii Dawladdii hore ka tagay gaar ahaan kuwa Gacanta dawladda ka maqan Dadkaasi oo Xukuumaddan Cusub ka Caawiyey inay soo ogaadaan halka ay Booyadahaasi ku sugnaayeen iyo tiradooda,Waxaanay Aakhirkii Booyadahaasi oo Tiradood lagu sheegay ilaa Todoba Booyaddood ay dib ugu soo noqdeen Gacanta Dawladda, Balse wararkan ayaa intaasi ku daray inaan Wali Kaamboolkii ay ku xeeraysnaayeen Booyadahaasi laga soo qaadin sababo aan la Garanayn Awgeed.
Wararkan ayaa intaasi ku daray in Gaadiidkaasi Booyadaha ah ee ay Xukuumaddii hore u iibisay Biyo dhaamiska iyo Taakulaynta Abaarihii Ba’naa ee Dalka ka dhacay Sanadadii 2016-kii ilaa Bilawgii 2017-Kii ay Gacanta ku hayeen Kooxdii Wadaadada u badnaa ee Wakhtigaasi ay Xukuumaddii hore u Xulatay Guddida Abaaraha kuwaasi oo Gacanta ku hayay Agabkii iyo Lacagtii Bulshada looga qaadhaamay Abaaraha, waxaana Gaadiidkaasi la sheegay in laga soo iibiyay lacagtii taborucaadka ahayd ee ay gacanta ku hayeen Gudida Abaaruhu, lamana garanayo Sababta ay Halkaasi cidlada ah ee aanay Xukuumaddu ka war hayn ay ugu xereeyeen Gaadiidkaasi. Gaadiidkan ayaa sida la sheegay markii la soo helay waxa ka maqnaa Sumadii Dawlada, lamana garanayo sababta looga furtay iyo in la Xadayay Toona.
Lama Garanayo Sababta Gaydhkaasi Cidlada Ah Loogu Xareeyey Booyadahaasi Iyo Waxa Looga Furay Lambarada Dawladda Ee Ka lushay Balse Nin Muwaadin Ah Oo Magaciisa Ku Sheegay Cabdi Cali Axmed oo Wargeyska Foore soo gaadhsiiyay Arrintan Oo Sharaxaya Ayaa Waxa Uu Yidhi “Booyadahan Oo Ay Xukuumaddii Hore Ee Siilaanyo U Iibisay Gurmadka Abaarihii Kal Hore Dalka Ka Dhacay Ayaa La Soo Helay Iyagoo Xiitaa Laga Furay Lambaradii Dawlada,Waxaana Hadda Gacanta Ku Haysa Dawladda Cusub,Waxa Laga Soo Helay Gaydh Weyn Oo Ku Yaalla Meel Aan Ka Dheerayn Kaantaroolkii Hore Ee Laga Guuray Oo Galbeedka Magaalada Hargeysa Ah, Waxaanay Weli Yaalaan Gaydhkii oo Lagama Soo Qaadin, Balse mid ka mid ah ayaa Xeebta loo diray dhawaan oo ka maqan waxaana midhaasi Saartay Xukuumadda oo Hawl ayaa lagu soo Qabanayaa”.Muwaadin La Hadlay Wargeyska Foore

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News