qorilugudnews24.com
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Mr. Kim Jong Un Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta Soo Gaadhey Magaalada Singapore Ee Xarunta Dalka Singapore Iyo Madaxweyne Trump Oo Isna Halkaas Ku Sii Jeeda.
June 10, 2018 - Written by qoriadmin

Singapore-(QorilugudNews24)-Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Mr. Kim Jong Un Iyo Wefti Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminayo Ayaa Maanta Soo Gaadhey Magaalada Singapore Ee Xarunta Dalka Singapore, Halkaas Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay, Waxaana Madaxweyne Kim Iyo Weftigiisa La Dejiyey Hotel Qaali Ah Oo Ammaankiisa Si Wey Loo Ilaalinaayo.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mr. Donald Trump Ayaa Isna La Filayaa In Uu  Saacadaha Soo Socda Soo Gaadho Dalkaasi Singapore, Waxaana Dalkaasi Ka Socda U Diyaar Garow Loogu Jiro Soo Dhaweynta Madaxweynaha Maraykanka.

 Labada Hoggaamiye Ayaa La Filayaa In Ay Kulankoodii Ugu Horeeyey Ee Fool-Ka Fool Ah Wada Yeeshaan Maalinta Salaasada Ee Fooda Inaga Soo Haysa, Kulankaas Oo Ka Dhici Doona Jasiiradda Loo Dalxiiska Tago Ee SENTOSA.
Waxayna Tani Noqon Doontaa Markii Ugu Horeysey Ee Madaxweyne Xil Ka Haya Dalkaasi Maraykanka Uu Kulan La Yeesho Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News