qorilugudnews24.com
Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Noqday Shaqsiga Uu Hadalkiisu Ugu Saamaynta Badan Yahay Marka Ay Noqoto Difaaca Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland Gudo Iyo Dibedba, Halka Ay Wasaaraddii Warfaafinta Iyo Wacyi-Gelinta Ee Somaliland Ay Hagaastay, Doorkeediina Gabtay.
June 12, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa(QorilugudNews24)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucis Eng. Faysal Cali Xuseen  Ayaa Noqday Shaqsiga Ugu Saamaynta Badan Marka Lag Hadlaayo Difaaca Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, Waxaana Si Weyn Uga Qayliyey Cadowga Somaliland Dagaalka Kula Jira, Hadday Tahay Mid Gudaha Jooga Iyo Hadday Tahayba Kan Dibedda.

Iyada Oo Ay Muddooyinkii Ugu Dambeeyey Somaliland Ay Dagaal Ku Soo Qaaday Dawladd Taagta-Darran Ee Somalia, Taas Oo U Soo Dhexmaraysa Maamulka Majeerteeniya Ee Puntland, dagaalkaas Oo Wejiyo Badan Leh, Ayaa Isugu Jira Mid Afka Ah Iyo Mid Saanad Ciidan Iyo Dhaqaaleba Leh.

Dagaalka Afka Ah Ee Warbaahinta Iyo Baraha Bulshada Ka Socda, Ayaa Haddaba Marka  Uu Ka Hadlo Ee Uu Kaga Jawaabo Hadallo Adag Oo Uu Ku Difaacayo Qaranimada Somaliland, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe  Ayaa Waxa Markiiba Qaylada Iyo Orta Isku Dara Cadowga Somaliland Ee Gudaha Iyo Dibeddaba Ku Sugan, Kuwaasi Oo Maalmihii U Dambeeyey Haystey Baraha Ay Bulshadu Ku Kulanto Iyo Warbaahinta Kaleba.

Iyaga Oo Cay Iyo Aflagaado Kaga Fal-Celiya, Hadallada Uu Guddoomiyaha Ucid Ku Difaacayo Qarankiisa, Balse Iyagu Kuwaas Cadowga Somaliland Ahi Ay Miciinsanayaan Cay, Afxumo Iyo Wixii Kasta Ee Ay Is Leeyihiin Waad Odhan Kartaanba.

Taasi Oo Marag U Noqotay, Cadaynaysana In Uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe Uu Yahay Shaqsiyada Ugu Saamaynta Badan Marka Uu Ka Hadlaayo Difaaca Somaliland Ee Uu La Hadlaayo Maamul-Goboleedada Yar-Yar Ee Ka Jira Dalkaasi Somalia.

Eng. Faysal Cali Waraabe Marka Uu Kelmed Yidhaa Cadowga Somaliland Waxay Noqdaan Qaar  Jiif Iyo Joogba Xamili-Waaya, Sidaa Daraadeed Waxaan Leeyahay Bulshada Reer Somaliland Waa In La Garab Is Taago Lana Dhiiri Geliyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid

Waxaa Kale Oo Jira Dad Aragtidoodu Liidato Oo Yidhaahda Faysal  Waxuu Noqday Afhayeenkii Xukuumadda, Waxaanan Leeyahay Aqoon Gaabow Qof Kasta Oo Muwaadin Ah Waxaa Ku Waajib Ah In Uu Dalkiisa Af iyo Adinba ku Difaaco, Waana Waajib Saaran Qofkasta, Haddii Uu Isagu Gartay Maaha In Aad La Mid Noqto Cadowga Hadalkiisu Xanuujinayo, Faysalna Waxaan Leeyahay Halkaa Ka Sii Wad Halganka Iyo Waddan Jacaylka, Waana Mid Ay Bulshada Inta Caafimaadka Qabtaa Kuu Og Tahay

By :Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

COMMENTS
Latest News