qorilugudnews24.com
Dawladda Somaliland Oo Aqbashay Dedaalka Nabaddeed Ee Ay Wadaan Qaramada Midoobey Iyo Waddamada IGAD Iyo Maamulka Pintland Oo Shuruud Ku Xidhay.
June 14, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Dawladda Somaliland AyaaLla Sheegay In Ay Ogolaatay Dedaal Ay Dalalka IGAD Iyo Qaramada Midoobey Ku Doonayaan In Xabad Joojin La Dhex Dhigo Ciidamada Somaliland Iyo Maleeshiyaadka Pintland Ee Dhawaan Ku Dagaalamay Deegaanka Tuko-Raq, Laakiin Maamul-Goboleedka Pintland Ayaa Diiday Qorshahaas.
Sida Ay Geeska Afrika U Sheegeen ilo Xogogaal ahi, Dawladda Somaliland waxa ay Aqbashay Qorshahaas Qaramada Midoobay Iyo IGAD oo ah in marka Koowaad La Sameeyo Xabad Joojin Rasmi Ah Isla Markaana La Bilaabo In La Wada Hadlo. Hase Yeeshee Madaxweynaha Pintland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ayaa Qorshahaas Diidey, Isla Markaana Shuruud Ku Xidhay.

Warku Wuxuu Sheegay In Mr. Gaas Uu Shuruud Ka Dhigay In Dawladda Somaliland Ay Ciidamadeeda Kala Baxdo Deegaanka Tuko-Raq, Kadibna La Bilaabo Xabad Joojin Iyo Wada Hadal.
Tallaabadan Pintland, Ayaa Warku Wuxuu Sheegay In Beesha Caalamka Uu Ku Noqday Caqabad Isla Markaana Ay La Yaabeen Shuruudaas Uu Cabdiweli Gaas Ku Xidhay Xabad Joojinta, Waxaanu Warku Sheegay In La Filayo In Qaramada Midoobey Iyo Waddamada IGAD Ay Go’aan Ka Gaadhaan Diidmada Pintland.
Dawladda Somaliland Ayey Ku Amaaneen Qaramada Midoobey Iyo Waddamada IGAD Sida Ay U Aqbashay Soo Jeedintooda Nabaddeed.
Dalalka IGAD Ee Qaramada Midoobey Ka Caawinaya Nabad Ku Soo Dabaalista Deegaanka Tuko-Raq Ee Gobalka Sool, Waxa U Horaysa Dawladda Itoobiya.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News