qorilugudnews24.com
Magaalada Gaalkacayo Oo Si Weyn Loogu Dabaal-Deggey Hubka Culus Ee Ay Somaliland Dhawaan Ka Furatay Maleeshiyada Maamulka Pintland.
June 24, 2018 - Written by qoriadmin

Gaalkacayo-(QorilugudNews24)-Magaalada Kala Qayb EE Gaalkacayo Ayaa Siyaabo Kala Duwan Looga Soo Dhaweeyey Dagaalkii Dhawaan Ka Dhacay Deegaanka Tuka-Raq Ee Hubka Culus Lagaga Furtay Maleeshiyada Maamulka Pintland.
Dagaalkani Oo Ay Duulaankiisa Lahayd Pintland Ayaa Waxa goobtaasi Lagaga Furtay Hub Culus Oo Sida La Sheegay Hore Xasuuq Ba’an Uga Geystey Magaalada Gaalkacayo Iyo Nawaaxigeeda, Kaas Oo Xaggaasi Laga Soo Qaaday Sida Kaaraha Ay Somaliland Gacanta Ku Dhigtay Oo Caan Ka Ahaa Deegaanka Degmada Gaalkacayo.
Magaalada Gaalkacayo Ayaa Laga Dareemay Dabaal-Degyo iyadaa oo xataa Rasaas Cirka loo ridey isla markaasina Ay dumarka Mushxarad Isla Oogsadeen.
Arrintani dabaal-degga Gaalkacayo ilaa hadda Xagga Maamulka Pintland, kama aysan hadal hase ahaatee waxa dareen Xooggan ka bixiyey dadweynaha Majeerteeniya ah ee degen Magaalada Gaalkacayo, Magaaladaasi Oo Ah Magaalo U Kala Qaybsan Labada Maamul Ee GalMudug Iyo Pintland.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News