qorilugudnews24.com
Wakhtigii La Odhan Jirey Dhab Libaax Somaliland La Wada Leeyahay Ayey Ahayd Malaha?.
July 4, 2018 - Written by qoriadmin

Xilalkii Ay Beesha Garxejis Haysatey Xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale, Waqtigaas Oo Loogu Yeedhi Jirey Xukuumaddii Dhab Libaax, Balse Aanay Wakhtigaas Iyaga U Muuqan Caddaalad Darrada Ay Maanta Ka Hadlayaan.
Waxa Ay Marka Su’aali Ka Taagan Tahay Waxa Ay Markaa U Muuqan Weydey Cadaalad Darrada Maanta Laga Hadlaayo, Ee Hadda Uun Iyaga Keligood U Muuqatay, Mise Jireen Beelo Shir Buur Ku Qabsaday Oo Ku Doodaayey In Ay Cadaalad Darro Dalka Jirto, Xukumaddana Waxbaanu Ka Tabanaynaa, Haddii Sidayada La Yeeli Waayana Somaliland Ma Jireyso Oo Waa Lagu Kala Tegeyaa???.
Liiska Xilalkii Ay Beesha Garxejis Ka Haysey Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Kuwaas Oo Ay Iygun Markaa U Arkayeen In Beelaha Somaliland Si Cadaalad Ah Wax Loogu Qaybiyey.

1-Wasaaradda Maaliyadda, Amb Cawil Xuseen Ducaale
2-Wasaaradda Hawlaha Guud, Siciid Sulub Maxamed
3- Wasaaradda Qorshaynta , Cali Sanyare AHUN
4- Wasaaradda Duulista iyo hawada, Cali Maxamed Warancade
5-Guddoomiyaha Wakiilada, Cabdiraxmaan Cirro
6-Guddoomiyaha Maxkaamadda Sare, Mohamed Xirsi Oomane
7-Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Cabdiraxmaan Ducaale AHUN
8-Guddoomiyaha Komoshinka, Ciise Xamari
9-Maayirka Hargaysa, Eng Jiciir
10- Maayirka Ceerigaabo , Ismaciil Xaaji Nuur
11-Maayirka Burco, Maxamed Diiriye Xayd (Dib-Jir).
12- Hanti Dhawrka Guud
13-Wasiirka Beeraha
14-Wasaaradda Shaqada Iyo Arrima Qoyska Marwo Faadumo Suudi.
15. Taliyaha Ciidanka Asluubta Ee Gobolka Togdheer Col. Jaamac Baadi AHUN
16. 23 Agaasime Guud.
Iyo Kuwo Kale Oo Badan Oo Aan Dib Ka Soo Sheegi Doono…
We all abused power so lets build one somalland

COMMENTS
Latest News