qorilugudnews24.com
Wiil Yar Oo Dhaan Wadey Oo Saaka Lagu Diley Duleedka Deegaanka Darara-Weyne Ee Degmada Ceel-Afweyn Iyo Mareegihii PrePaid-ka Ahaa Ee La Adeegsan Jirey Oo Ku Tilmaamay In Uu Yahay Dagaal Ka Qarxay Degmada Ceel-Afweyn, Arrintaas Oo Dad Badan Ka Yaabisay.
July 5, 2018 - Written by qoriadmin

Ceel-Afweyn-(QorilugudNews24)-Wiil Yar Oo Dhaan Wadey Ayaa Saaka Lagu Diley Duleedka Deegaanka Tuulada Darara-Weyne Ee Degmada Ceel-Afweyn, Wiilkaas Oo Sida La Sheegay Ka Soo Jeeda Mid Ka Mid Ah Labadii Beelood Ee Hore Ugu Dagaalamay Deegaanadaasi, Waxa Kale Iyana Jira Nin Kale Oo Sigana Lagu Diley Magaalada Hargeysa, Ninkaas Oo Isaguna Ka Soo Jeeda Beelaha Bariga Somaliland Ee Habar-Jeclo.
Warar Kale Oo Aanu Ka Helay Ilo-Wareedyo Muhiim Ah Oo Ku Sagan Magaalada Hargeysa Ayaa Noo Xaqiijiyey In Arrinta Labada Nin Ee La Diley Ay Salka Ku Hayso Mid Ka Mid Ah Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Buurta Gacan-Libaax Ee Beesha Garxejis, Iyada La Wada Og-Yahay In Saldaanka Guud Ee Beeshaasi Garxejis Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Uu Halkaasi Kaga Dhawaaqay In Ay Beel Ahaan Qayb Ka Yihiin Dagaalka Deegaanka Ceel-Afweyn Ee U Dhaxeeya Beelaha Baho-Biciide Iyo Sacad-Yoonis, Taas Oo Markhaati Madoon Ah, Waana Ta Maanta Keentay In Labadan Nin Ee Isku Beesha Ka Soo Jeeda La Dilo.
Waxa Kale Oo Iyana Dad Badan La Yaab Ku Noqotay, Kadib Markii Ay Saaka Soo Qoreen In Badan Oo Ka Mid Ah Mareegihii PrePaid-ka Ahaa Ee La Adeegsan Jirey War Been Abuur Ahaa Oo Ay Ku Tilmaameen In U u Dagaal Ka Qarxay Deegaano Ka Mid Ah Tuulada Darara-Weyne Ee Degmada Ceel-Afweyn, Dagaalkaas Oo Sababay Dhimashada Hal Nin, Halka Uu Dhaawac Kalena Jiro, Warkaas Oo Aanay Waxba Ka Jirin, Balse U Muuqdey In Uu Yahay Mid Ujeedooyin Fog-Fog Laga Leeyahay, Isla Markaana Meelo Kale Laga Hagayo.
Fiiro Gaar Ah:-

Waxa Aanu Haddaba Bulshada Reer Somaliland, Gaar Ahaan Intooda Samaha Jecel Uga Digeynaa Wararkaas Been Abuurka Ah Ee Ay Faafinayaan Mareegaha Ama WebSite-Beeleedyada Hoos Ku Qoran, Kuwaas Oo Aanu U Aragno In Ay U Adeegayaan Cadow Somaliland Iyo In Ay Yihiin Qaran-Dumis, Isla Markaana Ku Hawlan Faafinta Dacaayadaha Raqiiska Ah Iyo Wararka Been Abuurka Ah Ee Ka Dhanka Ah Shacabka Iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Kuwaas Oo Uu Soo Nashqadeeyo Cadowga Somaliland Iyo Daba-Dhilifkiisu.
Halkan Kaga Bogo Magacyada Qaar Ka Mid Ah Mareegaha Ama Website-Beeleedyada Ugu Sunta Badan.
1. www.Burcoonline.com
2. www.Karinnews.com
3. www.QorilugudNews.com
4. www.Gabogabonews.com
5. www.hohadNews.com, Iyo Qaar Kale Oo Aan Dhawaan Soo Bandhigi Doono.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News