qorilugudnews24.com
Komiishinka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Way Wadanayan Hawl-Maalmeedkooda Ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Ha Fahmo Sidii Uu U Soo Gudbin Lahaa Wixii Tabasho Ah/ By: Garyaqan A Ubaxle.
July 23, 2018 - Written by qoriadmin

Asalaamu Caleykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakatu…….

Ugu Horayn Waxa Aan Halkan Ka Salaamayaa Dhammaan Bulshada Reer Somaliland Meel Kasta Oo Ay Jogaanba, Waxaan Iyagana Si Gaar Ah U Salamayaa Bahda Saxaafadda Somaliland Ee Bulshadooda U Kala Gudbiya Wixii Muhiim U Ah.
Salaantasi kadib, waxa Aan halkan Idinku soo gudbinayaa Arrin sharci oo Bulshada Somaliland Muhiim u ah in ay ogadaan kuna saabsan Shaqada Guddida Komiishinka Doorashooyinka Qaranka Ee Somaliland iyo Hannaanka ay wada shaqayntu Uga dhexeyso Xisbiyada Qaranka.
Ugu horayn komishinka qaranka Somaliland wuxuu ka kooban yahay 7 Xubnood oo Xisbiyada Qaranku min Xubin ku leyihiin xubintasina ay tahay xubinta xisbiga uga masuulka ah ogaanshaha haddii ay jiraan wax khiyaamo ah ama isdaba marin ah oo Komishinku ku kacay iyadoo Xubintaasi aanay Xisbiga soo magacaabay u qaban shaqo gaar ah oo ka baxsan hawlaha doorashada ee ay Komiishinku uga Masuulka yahay qaranka Somaliland oo dhan.
Xisbiga Waddani wuxuu soo Magcaabay Mudane Abdiraxman Sagal oo ka mid aH Xubnaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka ee ilaa iminka gacanta ku haya shaqadii loo dhaariyey ee ay Qaranka uga Masuulka ahayeen, mana jiro Qoraal Rasmi ah oo Xisbiga Waddani u qoray Hay’addaha ay Khusayso oo uu ku cadeeyey in Aanay ku kalsoonayn Xubintii ay soo Magcawdeen sidaa darteedna aaney metelin laga bilaabo Xilligaas, sidoo kalena Xubintii Komishinka Doorashooyinka Qaranka kaga midka ahaa Magaca Xisbiga Waddani Mudane Abdiraxman Sagal iskamuu Casilin Xubinimadii uu Xisbiga kaga Masuulka ahaa isaga oo komiishinka ku eedeeyey Cadaalad darro ay Xisbigiisa kula keceen ama Xil Gudasho la’aan.
Waxaa iyaguna jira 6 Xubnood oo la shaqeeya Komishinka Doorashooyinka Qaranka Lana Yidhaahdo (Task Force) oo metela sadexda xisbi qaranka oo Xisbi kastaa 2 Xubnood soo dirtay xubnahaas oo inta badan la socda hawl-maalmeedka (daily activities) ay Komishiinku wadaan, sidoo kale maynu arag qoraal rasmi ah oo Xisbiga Waddani ku cadeeyey in uu labadaa xubnood kala noqday kalsoonidii uu ku magacawday ee ay hawlaha komishinka ka socda Xisbiga Waddani ugaga Masuulka ahaayeen, dhinaca kalena maynaan arag meel labadii Xubnood ee Xisbiga Waddani soo magacawday ay ku caddeeyeen in ay joojiyeen wada shaqayntii komiishinka iyaga oo Saluugey Shaqadooda.
Marka aynu xaqiqsano arrimahan oo dhan iyo kuwo kale oo badan oo khuseeya wadashaqaynta komishinka iyo Xisbiyada waxa inoo soo baxaya in aanay wado sharci ah u marin cabashada uu Guddomiyaha Xisbiga Waddani ku sheegay inay Bishii March 2018 joojiyeen wada shaqayntii Komishinka Dorashoyinka Qaranka.
Ugu Dambayn Bulshada Somaliland ee danaynaya in Doorashada Goleyaasha Baarlamanka iyo Deegaanku ay Qabsoonto si ay u helaan jaaniskii ay isku sharixi lahaayeen waxa Aan u sheegayaa in aanay Niyad jabin oo ayna u qaadan in Doorashadu dib inooga dhacayso Komiishinka Doorashooyinka Qarankuna ay si rasmiya u wadanayaan hawshii Qaran ee loo dhaariyey, sidoo kalena Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mundane Muuse Biixi Cabdi Aanu faro-gelin ku samaynayn Hawsha ay Komishiinku wadaan haddii aanay jirin Cabasho Sharciga Waafaqsan oo si Wadajir ah la isula qaatay, Madaxda Xisbiga Waddani waxaan iyagana u soo jeedinayaa in ayna Muwadiniinta rajada ka qaba in ay markooda is sharaxaan aanay marin habaabin oo niyad jebin haddii iyaga Xisbi ahaan ay wax saluugeen ama wax ka qabyo yihiina ay u maraan hab sharciga waafaqsan.
We bilaahi towfiiq
Garyaqan Abdiraxman Ali Ubaxle
Hargeysa Somaliland

COMMENTS
Latest News