qorilugudnews24.com
Mid Ka Mid Golaha Wasiirada Ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Lacago Badan Ku Bixiyey Sidii Uu Kaalin Fiican Uga Geli Lahaa Mashruuc Lagu Tartansiinayo Golaha Wasiirada Ee Somaliland, Taas Oo Dhaawac Weyn Ku Ah Guud Ahaan Hannaanka Dawladnimo Ee Somaliland.
July 23, 2018 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Ee Somaliland Mr. Yuusuf Maxamed Cabdi Ayaa Sida La Sheegay Lacago Badan Ku Bixiyay Mashruuc Lagu Tartansiiyaano Golaha Wasaaradda Ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Mashruucan Ayaa Waxa Wada Oo Ku Hawlan Koox Dhallinayaro Ah Oo WebSite-yo U Samaystay In Loogu Codeeyo Wasiisarada Ugu Waxqabadka Iyo Dadaalka Badan Ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Haddaba Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Ee Somaliland Mr. Yuusuf Maxamed Cabdi Oo Isagu Mashruucan Soo Abaabulay Ayaa Xogohu Sheegayaan In Uu Doonaayo In Uu Isagu Safka Hore Ka Galo Taranka Golaha Wasiirada Arrintaas Oo Dood Badan Ka Abuurtay Baraha Internet-ka Ee Bulshadu Ku Kulanto.

Geesta Kale Mashruucan Waxay Dadka Qaar U Arkaan In Uu Ceeb Weyn Ku Yahay Guud Ahaan Golaha Wasiirada Ee Somaliland Oo Qaar Kood Dhaqaale Badan Ku Bixiyeen In Ay Meel Fiican Ka Galaan Tartanka .

Ugu Dambayn Arrintan Uu Ku Kacay Wasiirka Waasaaradda Maaliyaddu Ayaa Dadka Falanqeeya Siyaasaddu Waxay U Arkaan In Ay Tahay Tallaabo Dhaawacaysa Sumcada Golaha Wasiirada Ee Xukuumadda Somaliland Iyo Hoggaaminta Madaxweyne Biixi Cabdi.
isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News