qorilugudnews24.com
Ethiopian-kii Oo Si Xun Loogu Xasuuqay Dalka Jabuuti.
August 12, 2018 - Written by qoriadmin

Jabuuti-(QorilugudNews24)-Lix Ruux Oo Asalkoodu Yahay Itoobiyaan Ayaa Lagu Soo Waramayaa In Siyaabo Kala Duwan Loogu Diley Dalkaasi Jabuuti, Weerarkaas Oo U Muuqdey Aargoosi, Sida Ay Warbaahinta U Sheegeen Dad Goob-Joogayaal Ahaa.

Goob-Joogayaasha Ayaa Sheegay In Dilalkani U Dhaceen Siyaabo Gooni-Gooni Ah, Gaar Ahaan Waxa Ay Intooda Badani Dhaceen Xilli Habeenimo Ah.

Weeraradan Aargoosiga ah ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Dad Tiradooda Lagu Qiyaasay Boqolaal Ruux, Waxa Kale Oo la bililiqeystay Dukaamo ay lahaayeen Dad Itoobiyaan ah Oo Ku Yaaley Magaalada Jabuuti, ciidamada Ammaankuna wax Fara-Gelin kuma Aysan Sameyn sida laga soo xigtey dadka Itoobiyaanka ah, wallow dowladda Jabuuti ay Arrintaa cambaareysay.

Rabshadahan ayaa La Sheegay In Ay salka ku hayso Falal Hore Oo lagu laayay dad Jabuutiyaan ahaa Oo Ku Sugnaa Magaalada Diri-Dhawa Ee Dalkaasi Ethiopia Oo 6-dii Bishan Lagu diley Afar Muwaadiin Oo Reer Jabuuti Ah.

Waxaa jira Itoobiyaan badan oo isaga cararay xeryihiin ay ku Noolaayeen, gaar ahaan Agagaaraha Belbela, kuwaas oo hadda Gabaad ka dhiganaya Xeryo ku Yaalla halka lagu Magacaabo Arhiba, gaar ahaan kumanaan dadka Oromada ah ayaa halkaa Magan-Gelyo u galay.

Dawladda Jabuuti ayaa diyaarado uga soo daad-gureysay ku dhawaad 1, 700 oo muwaadiniinteeda ah, kuwaas Oo Fasaxa Xagaaga U joogey Magaalada Dirir-Dhawa Ee Dalkaasi Ethiopia.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News