qorilugudnews24.com
Wasaaraddii Arrimaha Dibedda Ee Somaliland Oo Gebi Ahaanba Fashilantay Iyo Shaqadeedii Oo Ku Soo Ururtay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Shirkadda Dp World.
August 16, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Siyaasaddii Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ee Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Sida Muuqata Waxa Ay Qaaday Jiho Khaldan Oo Indho Iyo Dhego La’, Waxaana La Soo Deristey Habacsanaan Siyaasaddeed Oo Gebi Ahaanba Ka Arradan Hab-Dhaqanka Diblamaasiyadeed Ee Lagula Macaamilo Beesha Caalamka Iyo Waddamada Jaarka Tan Iyo Intii Uu Xilka Wasaaraddaasi Hoggaanka U Qabtay Dr. Sacad Cali Shire Oo Ay Wasaaradda Shaqadeedii Ku Soo Ururtay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Shirkadda Dp World.
Haddaba Wasiir Sacad Cali Shire Oo Markiisii Horeba Xal Ku Yimi Ee Aan Xulasho Ku Iman Ayaa Haba Yaraatee Aan Wax Aqoon Iyo Waayo Aragnimo Midna U Lahayn, Isla Markaasna Aan Wax Fikir Ahba Ka Haysan Guud Ahaan Siyaasadda Diblumaasiyada Cusub Ee Arrimaha Dibedda Iyo Xidhiidhka Caalamiga Ah Ee Ay Dawladduhu Ku Wada Xidhiidhaan Ama Ay Ku Wada Dhaqmaan (Foreign Affairs And Public Relations), Arrintaas Oo Wasaaraddii Arrimaha Dibedda Ee Somaliland Ka Dhigtay Meel Goraygu Ka Hadaafay Oo Jaah-Wareersan, Isla Markaana Lagu Biiliyo Carruur Yar-Yar Oo Qurba-Joog Ah, Kuwaas Oo Marba Inta Ay Qol Yar Calan Iyo Boodhadh Ku Soo Xardhaan Kamarad Iskaga Soo Duuba, Iyaga Oo Ku Andacoonaya In Ay Yihiin Wakiilo Somaliland Metelaaya Oo La Soo Magacaabay, Arrintaas Oo Ah Wax Laga Yiq-Yiqsoodo, Isla Markaana Fadeexad Weyn Ku Ah Guud Ahaan Haykalka Iyo Milgaha Dawladnimo Ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

La Soco Qaybaha Dambe………………
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News