qorilugudnews24.com
Abwaan Cismaan Axmed Maxamed (Kujare) Oo Gabay Halis Ah Ka Tiriyey Xukunka Madaxweyne Biixi Cabdi Iyo Sida Uu Wax U Wado, Isaga Oo Maanso Ku Cabiray Sida Ay Wax U Socdaan Iyo Durba Dhaliilaha Muuqday Oo Ay Dad Badani Sas Ka Muujiyeen.
August 20, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Abwaan Cismaan Axmed Maxamed (Kujare) Ayaa Gabay Halis Ah Ka Tiriyey Xukunka Madaxweyne Biixi Cabdi Iyo Sida Uu Wax U Wado, Isaga Oo Maansadan Ku Cabiray Sida Qaabka Daran Ee Ay Wax U Socdaan Iyo Durba Dhaliilaha Muuqday Oo Ay Dad Badani Sas Ka Muujiyeen.

Waxayna Maansadii Tidhi:-
Awal Iyo HaDdii habar-Xabuush Laysku Xamanaayey
Jeegaanta Iyo Xulafadii Furay Xidhiidhkiiye
Xeegaanta Nimankaan Lahayn Mama Xasuustaane
Lo’ Xashiish Cunaysiyo Sidii Xaaluf Adhi Jooga
Xeedhada Markii Ay Arkeen Xoore Maradiiye
Goljano Iyo Xera Awr Nimaan Weli Xagna U Dhaafin
Xaqna Aan U Kala Soori Karin Xaafad Wada Taalla
Xil Hadduu Cidsiiyana Ninkii Xiga U Dhiibaaya
Oo Aan Xakame Kaa Qabtiyo Xadhigna Loo Haynin
Xuseenow Inaan Dooranaa Xaasha, Ma Ahayne
Haddii Aan La Xaasidin Isaaq Ways Xaqirayaaye
Xaraf Nimanka Yaal Iyo Dunbuluq Kala Xiniin Roone
Xirsi Iyo Ciriyo Faysalkii Layla Xamanaayey
Iyaba Waa Xigaalkay Hadday Xabashi Moodeene
Tolka Waxan Ka Xaal Siinayaa Xaajigaan Wadaye

Osman Ahmed Mahamed (kujare)

COMMENTS
Latest News