qorilugudnews24.com
Madaxweyne Biixi Oo Gobolka Daad-Madheedh Ugu Deeqay Lacag Nus Malyuun Dollar Ah Oo Aan Soo Marin Qasnadda Dawladda IyoTuhuno Ka Dhashay.
August 25, 2018 - Written by qoriadmin

Oodweyne-(QorilugudNews24)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi Ayaa Shan Boqol Oo Kun Oo Doollar Ugu Deeqay Gobolka Daad-Madheedh, Sida Uu Xaqiijiyay Wasiirka Wasaaradda Biyaha Ee Somaliland Mr. Saleeban Cali Koore Oo Dhawaan Booqosho Ku Tegey Deegaanka Xaasi Oo Ka Tirsan Gobolkaasi.
Wasiir Koore Ayaa Sheegay In Madaxweynuhu Ugu Deeqay Lacagtaasi Gobalkaasi, Taas Oo Aan Soo Marin Wasaaradda Maaliyadda Isla Markaana Aanay Ku Jirin Miisaaniyadda Qaranka, Oo Ay Sidey Diyaarad Khaas Ah, Waxaana Uu Sheegay In Lacagtaas Lagu Horumarin Doono Deegaanada Gobolka Daad-Madheedh.
Waxa Kale Oo Uu Saleebaan Cali Koore Sheegay In Ay Arrintan Ka Shaqeeyeen Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Deegaanka, Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Iyo Sidoo Kale Xildhibaan Waabeeye.
Dadka Siyaasadda Odorosa Ayaa Sheegaya In Lacagta Intaas Leeg Ee Uu Madaxweyne Biixi Siiyey Bulshada Gobolka Daadh-Madheedh Ay Sababi Karto In Ay Ku Kacaan Shacabka Gobollada Bariga Somaliland Oo Ka Aradan Dhammaan Adeegyada Asaasaasiga Ah.
Wasiir Koore Ayaa U Muuqdey In Uu Dirayey Farriin Aad U Dheer Oo Meelo Kale Ku Socotey.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News