qorilugudnews24.com
Afar Kooxood Oo Weysada U Biyeystey In Ay Fashiliyaan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Kuwaas Oo Dagaal Toos Ah Iyo Mid Dadbanba Ku Haya.
September 8, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Inkasta Oo Ay Dad Badani Ku Doodaan In Xukuumadda-Socod Baradka Ah Ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Aanay Weli Wajihin Dagaal-Siyaasaddeed Iyo Mucaaridad Xooggan Oo Kaga Timaadda Xisbiyada Mucaaridka Eh Ee Dalka Haddana Tan Iyo Markii UU Madaxweynuhu Talada Dalka La Wareegey Dabayaaqadii Sannadkii Hore Waxa Jihooyin Dhawr Ah Kaga Furmay Furimo Dagaal Oo Siyaasaddeed, Kuwaasi Oo Ku Aroora Dhinacyo Dhawr Ah Oo Ay Madaxweynaha Hoosta Iska Qaniinsan Yihiin.
Haddaba Qormadan Kooban Waxa Uu Wargeyska Foore Ku Eegi Doonaa Jihooyin Dagaal Siyaasadeed Hoose Iyo Mid Cadba Kula Jira Xukuumadda Uu Gadh-Wadeenka Ka Yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Kuwaasi Oo Siyaabo Kala Duwan Mucaaridadoodu Ugu wajahan tahay Madaxtooyada inkasta oo aan la odhan Karin waa MucaarIdad la mid ah midii ay hore u soo wajaheen Madaxweynayaashii Xilka uga Horeeyey ee ay ka mid ahaayeen Daahir Rayaale iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wallow aanu Madaxweyne Siilaanyo Isagu ku Riiqmin Guluf siyaasaddeed oo kaga yimaad xisbiyada Mucaaridka ah iyo jihooyin kale toona.
Dad badan oo lafa-gur ku sameeya siyaasadda Gudaha Somaliland waxa ay ku doodaan inkasta oo aanay Xoogganayn doorkii Mucaaridnimo ee Xisbiyada Mucaaridka ahi, haddana waxa Bar-Bilow ah Mucaaridad siyaasaddeed oo xawli ku socota oo ka dhan ah Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa kuwaasi oo ka shidaal qaadanaya Ugu Yaraan Shan Kooxood oo mid kastaa Damac iyo Doonis Gaar Ah Leedahay. Waxaana Jihooyinkaasi Ka Mid Ah:

1. Koox Siyaasiyiin ah oo ay Madaxweynaha Dhex Taallo Utun Siyaasaddeed oo Guun ah, soona Taxnayd iyo ilaa Qaaxo, Ugxanteeduna Qaraxday Horaantidii Sagaashameeyihii Oo Ah Wakhtigii Ay Somaliland Dhismaysey. Siyaasiyiintaasi Oo Dalka Muddo Ka Maqnaa, Waxayna Wakhtigan si toos ah iyo si Dadbanba Door Fir-Fircoon ugu leeyihiin Mucaaridad Ka Dhan Ah Madaxweyne Muuse Biixi, Shaadhka Ay Doonto Ha Xidhnaatee.
Siyaasiyiintani waxa ay dhabarka saareen kala Qaybsanaanta dhinaca Beelaha ee ay keentay Doorashadu iyaga oo Madaxweyne Muuse Dhufays Uga dhigan doona kala Qaybsanaantaasi oo Wakhtigan sii Xoogaysatey, Welina aanu Madaxweynuhu la Iman Xal Ugu Yaraan lagu Qaboojiyo Dareenkaasi (Attention).
2. Beelihii taageeray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee ka soo horjeedey Xisbiga KULMIYE ee Madaxweynuhu ka sharaxnaa waxa ay udub-dhexaad u yihiin daneeyayaasha Mucaarid (Resistance Stakeholders) kuwaasi oo gar iyo gar darradaba Xaalad Mucaaridnimo oo Keeb La Yuurur Ah Ku Wajihi doona Madaxweyne Muuse Biixi.
Deegaamada Laga Taageeray Xisbiga WADDANI Waxa Ay U Xuub-Siibanayaan Siyaasad Mucaaridnimo Oo Beelaysan Si Adagna U Kululayn Doonta Xukuumadda Iyo Xisbigeeda Oo Ku Suntan Laba Beelood.
3. Koox Siyaasiyiin u badan oo ka Tirsanaa isla xisbiga KULMIYE, Qaarkoodna Xubno Fir-Fircoon ka ahaayeen Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, doorna ka soo qaatay soo Bixitaankii Madaxweyne Muuse Biixi Wakhtigii Doorashada balse Ku Guul Darraystay in ay ku soo baxaan Liiska Kuraasta Xukuumaddiisa ayaa Inkasta oo aanay saamayn Siyaasaddeed iyo Mid Mucaaridad Xooggan oo Wakhtigan Muuqata lahayn, haddana waxa ay ka mid yihiin Unugyo Huursan (Sleep Cells) kuwaasi oo aan la Dhacsanayn Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, Wakhti Kastana ka badheedhi kara kacdoon Siyaasaddeed oo ka dhan ah Madaxtooyada.

Kooxahani Waxa Ay Wakhtigan Ku Jiraan Xaalad Guux Ah Oo Hoose iyo Dacaayado Ku Kooban in ay Madaxweynaha Kaga Soo Ganaan Majaalista iyo Goobaha Ay Fadhi Wadaagta Ku Yihiin, Waxaanay Ra’yul Caamka ku dhex Faafiyaan hadallo dhaliil ah oo ay ku durayaan Xaaladda Xukuumadda Muuse Ay Dalka Gelisey Mudadii Ay Joogtey.
4. Kooxo isku dhafan oo loo tirinayo in ay ka hodmeen Hanti badana ka Yeesheen Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, kuwaasi oo isugu jirey Wasiiro, Xildhibaano iyo Madax kale oo ka tirsanaa Xisbiga KULMIYE ayaa waxa ay ka Cabsi qabaan in la sii wado Baadhitaankii Musuqmaasuq ee ay Bilaabeen Golaha Wakiiladu, taasina waxa ay keentay in ay dabada Geliyaan Beelahooda oo ay dagaalo siyaasadeed kala hor Yimaaddaan Xukuumadda si ay uga mashquuliyaan in la soo Fago Boogihii Musuq ee ay hore ugu suntanaayeen.
Kuwani inkasta oo aanay sida kooxaha hore saamayn weyn weli Yeelan, haddana Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa Dhaq-Dhaqaaqooda Laga Dheehan Karaayey Deegaamada ay ka soo Jeedaan Iyo Guud Ahaan Dalka.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News