qorilugudnews24.com
Madaxweyne Waare Oo Ka Dayriyey Amniga Guud Ee Magaalada Muqdisho.
September 11, 2018 - Written by qoriadmin

Jowhar-(QorilugudNews24)-Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Hirshabeelle Mr. Maxamed Cabdi Waare Oo Maanta Shir-Jaraa’id Ku Qabtay Magaalada Muqdisho Ayaa Sheegay In Amnigii Magaalada Muqdisho Faraha Ka Baxay.

Mr. Waare Oo Si Ka Duwan Sidii Hore Weerar Culus Ku Qaaday Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wixii ka soo Hadha Waddada Wadnaha Aysan Maamulin Dawladda Soomaaliya, isaga oo Digniin u diray Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

‘’Amniga Magaalada Muqdisho faraha ayuu ka baxay Dawladdu haddii Ay Ogtahay Waa Masuuliyad darro, haddii aysan Ogeyna waa Masuuliyad darro ka sii culus, Xildhibaannada waxaan leeyahay is ilaaliya Xaaladdu Caadi Maaha, waa hadal Nin Oday Ah Oo Weyn’’ ayuu yidhi Madaxweyne Waare oo ay hareerihiisa fadhiyeen Madaxweyne Ku-Xigeenka Hirshabeelle iyo Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale dawladda Federaalka ayuu ku eedeeyay in burburin iyo dhibaato ku hayso sida uu hadalka u dhigay Labada Maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug, isaga Oo is Weydiiyey Su’aal Ahayd Waxa Keliya Ee Labadaas Maamul Loo Bar-Tilmaameedsanayo.

‘’Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ay ka mid yihiin Shanta Maamul Gobolleed ee Dalka ka jira, waxaad Moodaa in Dawladdu Si Gaar Ah U Bar-Tilmaameedsaneyso Labadan Maamul Ee Hirshabeelle iyo Galmudug, Dawladda Waxaan Leeyahay Waa La Arki Doonaa Hirshabeelle iyo Galmudug haddii Ay Adhi Yihiin’’ Ayuu Hadalkiisa Sii Raaciyay.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News