qorilugudnews24.com
Waa Maxay Ujeedada Dhabtaha Ee Ka Dambaysa Dilalka Qorshaysan Ee Lagu Bar-Tilmaameedsanyo Saraakiisha Ciidan Ee Ka Soo Jeeda Beelaha Habar-Jeclo, Yaase Ka Masuul Ah??, War Jiraaba Cakaaruu Iman.
September 15, 2018 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Tan Iyo Wixii Ka Dambeeyey Dilkii Qorshaysnaa Ee Lagu Fuliyey Alle Ha U Naxariistee Col. Cismaan Yuusuf Nuur (Af-Dhilo), Waxaa Isa Soo Taraayey Dilalka Qorshaysan Ee Lagu Bar-Tilmaameedsanaayo Saraakiisa Sar-Sare Ee Ka Soo Jeeda Beelaha Habar-Jeclo, Kuwaas Oo Ay Dilkooda Fulisey Dad Ka Soo Jeeda Hal Beel Oo Ka Mid Ah Beelaha Degmada Berbera Ee Gobolka Waqooyi-Galbeed, Balse La Xaqiijiyey In Ay Xaajadu Intaas Ka Gun-Dheer Tahay.
Haddaba Baadhitaano Qarsoodi Ah Oo Aanu Samaynay Ayaa Waxa Aanu Ku Ogaaney, In Ay Jiraan Qorshayaal Iyo Dabino Qarsoon Oo Ay Daaha Dabadiisa Ka Hagayaan Kooxo Qarsoon, Kuwaas Oo Ku Wajahan Keliya In La Khaarajiyo Saraakiisha Ciidan Ee Ugu Firin-Fircoon Saarkiisha Beelaha Habar-Jeclo, Waxaana Saraakiisha Ilaa Iyo Iminka Lagu Guuleystey In Khaarajiyo Ka Mid Ah, Alle Ha U Naxariistee Taliyihii Qaybta Booliska Ee Degmada Berbera Gashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud Maxamed (Caseyr) Iyo Kan Hadda Ugu Dambeeyey Oo Ahaa Taliyihii Saldhigga Abdaal Alle Ha U Naxariistee Saddex Xidigle Cabdalle Cabdi Dhinbiil, Kaas Oo Isna Lagu Diley Isla Deegaanka Degmada Berbera.

Waxa Kale Oo Iyaduna Xusid Mudan In Dhawaan Xilkii Laga Qaaday Taliyihii Ciidanka Tumbu-Taariyada Ee Somaliland (Ciidanka Cashuuraha) G/Dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle (Dhega-Cadde), Loona Bedeley Qaybta Booliska Ee Gobolka Sool, Taas Oo Ay Cid Waliba Fahmi Karto Ujeeda Dhabta Ah Ee Ka Dambaysa Waxa Uu Qorshuhu Yahay, Halka Booskiisiina Lagu Bedeley Masuul Kale Oo Ka Soo Jeeda Degmada Saylac Ee Gobolka Awdal, Kaas Oo La Xaqiiyey In Uu Yahay Maqaar-Saar Ama Boos Celis, Dhawaana Lagu Bedeli Doono Masuul Kale Oo Ay Isku Ardaa Hoose Yihiin Taliyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland S/Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, Arrintaas Oo Haddii Ay Dhabowdo Bannaanka U Soo Saari Doonta Tuhuno Badan Oo Hore Loo Qabey, Isla Markaana Ay Fashilmi Doonaan Waxyaabo Badan Oo Huursanaa, Ummaddana Ka Qarsoonaa.

Ugu Dambayn, Waxa Ay Arrintani Sababi Kartaa Haddii Aan Xal Loo Helin Isla Markaana Lagu Samayn Baadhitaan Qoto Dheer Oo Deg Deg Ah, Dagaal-Beeleedyo Baahsan Oo Somaliland Ka Qarxa Iyo In La Bar-Tilmaameedsado Taliyeyaal Ciidan Iyo Masuuliyiinta Sar-Sare, Kuwaas Oo Loo Ugaadhsan Doono Aano Qabiil Iyo Tuhuno La Xidhiidha Fal-Debiyeedyo Ay Qaarkood Soo Abaabuleen Oo Guuleystey, Isla Markaa Qayb Ka Ahaa Dilka Qorshaysan Ee Lagu Khaarajiyey Saraakiishan Ciidan Ee Isku Wada Beesha Ah.

Waxa Kale Oo Jira Warar Sheegaya In Ay Jiraan Saraakiil Kale Oo Ka Tirsanaa Ciidanka Qaranka Ee Somaliland Oo Iyagana Laga Tuuray Gawaadhi Tikniko Ah Oo Ay Ku Dagaalamayeen Isla Markaana  Ay Halkaas Ku Geeriyoodeen, Xilli Uu Dagaal Ka Socdey Deegaano Ka Mid Ah Bariga Fog Ee Gobolka Sanaag, Kuwaas Oo Lagu Eedeeyey Dilkooda Taliyiihi Hore Ee Ciidanka Qaranka Somaliland S/Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale, Taas Oo Sababtay In Aakhirkii Xalka Laga Qaado.

Sawirada Qaar Ka Mid Ah Raggii Nashqadeeyey Dilkii Taliye Caseyr Wax Ka Baro…

Aiheeseen liittyvä kuva

Badhasaab-Ku-Xigeenkii Gobolka SaaxilKuvahaun tulos haulle dilkii taliye casayr Kuvahaun tulos haulle dilkii taliye casayr

La Soco Qaybaha Damme…………………………………
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News