qorilugudnews24.com
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Ee Somaliland Md. Cabdikariin Axmed Xinif Oo Digniin Culus U Diray Dadka Wax-Magaratada Ah Ee Dhaliila Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
September 18, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Cabdikariin Axmed Xinif Ayaa Digniin Culus U Diray Dadka Wax-Magaratada Iyo Makasta U Badan Ee Dhaliila Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Guddoomiye Cabdikariin Xinif Oo Qoraal Kooban Ku Baahiyey Bartiisa Facebook-ga Ayaa Sheegay In Aanu Wax Musuqmaasuq Ah Samayn Madaxweynihii Hore, Isaga Oo Ku Hanjabey Haddii La Sii Wado Wado Dhaliilaha Loo Jeedinayo Uu Isaguna Soo Bandhigi Doono Xubno Kale Oo Uu Musuq Gaystay.
Fariinta Guddoomiye Cabdikariin Xinif Ayaa U Dhignayd Sidan “Waar Hoy Raggan Waaweynow Ciddii Kale Ee Aad Eryanaysaan Ama Wax Ka Sheegaysaan Waa Yeelkiin, Laakiin SIILAANYO Iskaga hadha, Haddii Kale Wallaahi Nin Walba Kitaabkiisa Ayaan Anigu Soo Fagayaa Oo Daba-Gelayaa. Odayga Hala Nabad-Geliyo, Ciddii Kale Ee Aad Baba-Gelaysaan Idin Kala Hadli Maayo.
Waar Siilaanyo Waxba Muu Musuqmaasuqin, Kuwa Siilaanyo Ka Hadlayow Nin Walowba Waxaad Qaaday Iyo Waxaad Cid U Qaraabo Kiishayba Waa Laguu Hayaa Iyada Oo Qoran.
Hadalkayga Kuwii Eegan Jirey Siday Doonaan Ha U Dhigaan, Hadda Wixii Ka Dambeeya Rag Waaweyn Ayaan Juuq Dhawrayaa.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News