qorilugudnews24.com
Isbarbar-Dhigga Tayda Ay Leeyihiin Golihii Ugu Horeeyey Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo Iyo Xukuumadda Cusub Ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
September 26, 2018 - Written by qoriadmin

Isbarbar-Dhigga Tayada Ay Leeyihiin Golihii Wasiirada Ee Ugu Horeeyey Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo Iyo Xukuumada Cusub Ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi…

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Gole Xukuumadeed Oo Kastaa Waxa Uu Tamariyaa Hadba Xubnaha Ku Jiraa Sida Ay U Kala Aqoon, Khibrad Iyo Waayo-Aragnimo Badan Yihiin, Waxaana In Badan Shacabka Gaar Ahaan Dadka Siyaasadda Ka Faalloodaa Ka Hadlaan Rag Iyo Haweenba Golayaashii Xukuumaddeed Ee Dalka Soo Maray Iyo Sida Ay U Kala Duwanaayeen Ee Madaxweynayaasha Xilalka Soo Maray Ugu Kala Xusheen.
Marka Aan Si Gaar Ah Uga Hadalno Xukuumaddihii Xisbiga KULMIYE, Dad badan ayaa isbarbar dhig ku sameeya Xukuumaddii uu markii ugu horeysey soo Xushay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Tan Uu Markii La Doortay Soo Xushay Madaxweynaha Hadda Qaranka Hoggaamiya Md. Muuse Biixi Cabdi Iyo Farqiga U Dhaxeeya Dhinacyada Aqoonta, Khibradda Iyo Waayo-Aragnimada Ay U Leeyihiin Dalka Iyo Dadkaba, Iyada Oo In Badan Oo Xubno Ka Ah Xukuumadda Wakhtigan Joogta Lagu Dhaliilo Waayo- Aragnimo La’aan, Aqoon La’aan iyo Khibrad Aanay Dad Iyo Dal Toona U Lahayn, Taas Oo Dhaawac Weyn U Geysan Karta Hammi Kasta Oo Ay Xukuumaddani Lahayd In Ay Xaqiijiso.

Wargeyska Foore Waxa uu Isbarbar-dhig ku samayn doonaa oo aan Bulshada Arrintaasi inta badan Faaqidda la Wadaagi Doonaa Magacyada Golaha Wasiirada Ee Wakhtigan Uu Madaxweyne Muuse u Cugtay Golaha Xukuumaddiisa  Iyo Golihii Ugu Horeeyey Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo Badka Keenay Markii Uu Tallada Dalka La Wareegey July 2010-kii.

Liiska Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo:-

Arrimaha Dibedda Iyo Xidhiidhka Caalamiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiir ku xigeenkiisa Maxamed Yoonis Cawaale
Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, W/Xigeenkiisa Cismaan Garaad Soofe
Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Ku Xigeenkiisa Warsame Siciid Cabdi
Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Xuseen Axmed Caydiid Cali Cabdi Saa’iq
Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Samsam Cabdi Aadan, Ku-Xigeenka Cali Xaamud Jibriil
Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, Nimco Xuseen Qawdhan
Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Dr. Sacad Ali Shire
Gaashaandhigga, Axmed Xaaji Cali Cadami
Ganacsiga Wersheddaha iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif Axmed
Xannaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday
Boosaha iyo Isgaadhsiinta , Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed
Cadaalada iyo Garsoorka, Prof Ismaaciil Muumin Aare
Diinta iyo awqaafka, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed
Shaqada iyo Ariamaha Bulshada, Ilhaan Maxamed Jaamac
Kalluumaysiga Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekeddaha Dr. Maxamd Yaasiin Xasan
Macdanta Biyaha iyo Tamarta, Dr. Xuseen Cabdi Ducaale
Ciyaaraha Dhallinyarada iyo Dhaqanka, Maxamed Xaashi Madar
Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud
Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi
Warfaafinta, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
Liiska Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi:
1. Sacad Cali Shire Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah
2. Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon Wasiirka Waxbarshada
3. Cawaale Ibraahin Shirwac Wasiirka Qorsheynta
4. Maxamed Kaahin Arimaha Wasiirka Arimaha Gudaha
5. Ciise Axmed Cabdala Wasiirka Gaashandhiga
6.Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirka Maaliyada
7. Cabdiqani Maxmuud Caateeye Wasiirka Wasaarada Cadaalada
8. Sheekh Khaliil Wasiirka Diinta Iyo Awqafta
9. Axmed Muumin Seed Wasiirka Beeraha
10 .Cabdirashiid Xaaji Ducaale Wasiirka Hawlaha Guud
11. Yuusuf Mire Maxamed Boos Wasaarada Ciyaaraha
12. Dr Cabdilaahi Sheekh Cabdilaahi Wasiirka Boosaha
13. Maxamed Sacad Iidle Saajin Wasiirka Wasaarada
14. Hinda Jaamac Gaani Wasiirka Arimaha Bulshada
15. Maxamed Axmed Cawad Wasiirka Horumarinta Maalgashiga
16. Xassan Gaafadhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumeysiga
17. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo Wasaarada Warfaafinta
18. Shugri Baandaare Wasiirka Deeganka
19. Saleeban Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasarada Biyaha
20. Jamac Maxamuud Cigaale Wasiirka wasaarada Macdanta
21. Cabdilaahi Abokor Wasiirka Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka
22. Maxamuud Xaaji Cilmi Wasiirka Xidhiidhka Golahayasha
23. Dr Xassan Ismaciil Yuusuf Warsame Wasiirka Caafimaadka
Si kastaba ha ahaatee waxa marag ma doon ah in xukuumad walba lagu xasuusan doono waxa ay qabato iyo Hannaanka ay Dalka ugu Hoggaamiso Wakhti Ay Shacabka Somaliland Walaac Weyn Ka Qabaan In Xisbiga KULMIYE Xukuumaddihiisii Kala Dambeeyey Ay Dalka Ka Hirgeliyaan Dawlad Wanaag Iyo Waxqabad Ummaddu Ku Majeerato.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News