qorilugudnews24.com
Layaabka Dunida: Haweeney Reer Ceerigaabo Ah Oo Xijaabkeedii U Tuurtay, Magaceediina U Bedeshey Shaqo Darteed+Sawiro.
October 3, 2018 - Written by qoriadmin

In Shaqo Laga Helo TV Maraykanka Ku Yaal Wixii Ka Dambeeyey Weerarkii 11-kii Sebtember Waxay Ahayd Arrin Aan Sahlanayn Adiga Oo Weliba Lagu Yiraahdo Magaca Ubax Maxamed.

“Tijaabo Ahaan, Ayaan U Bedeley Magacaygii Isla Markiina Waxaan Helay Shaqo Ah Caawiye Soo Saare” Ayey Tidhi Ubax Maxamed Oo Markii Dambe Ku Caan Baxday Mid Ka Mid Ah Magacyada Ay Reer Galbeedku La Vaxaan.

” Waxaan Todobaad Kasta La Bixi Jirey Magac Cusub, Waxayna Ahayd Arrin Cabsideeda Leh” Ayey Tidhi Iyada Oo Ku Sugan California.

Qoyskeedu Waxay U Guureen Memphis Iyaga Oo Ka Soo Guurey New York Markii Ay Jirtey 13 Sannadood, Iyada Oo Markii Ay Ogaatey In Ay Ka Soo Jeedo Soomaaliya Ay Caqabad Hor Leh Ku Noqotay.

‘ Waxaan Iska Tuuray Xijaabkii’

” Wadaad Miyaad Tahay” Ayey I Weydiin Jireen Sannadkaygii Koowaad Ee Aan Bilaabay Iskuul Ku Yaal Memphis Markaas Oo Aan Xijaab Xidhan Jirey.

” Wixii ka dambeeyey sanadkaas waxaan iska dhigay Xijaabkii waxaana bedeley Magacaygii”

Balse Magac Bedeleshadaas waxay ahayd wax la soo dhaafay, haatan Iyada oo Soomaali- American ah ayey si Xarrago leh loogu yeedhaa Magaceedii Saxda ahaa waxayna ka shaqaysaa Sharikadda filimada ee Hollywood.

Booqashadeedii soomaaliya kadib, Ubax Maxamed waxay tiri waan bogaadinayaa in Hooyaday ay Maraykanka i keento.
Booqashadeedii Soomaaliya Kadib, Ubax Maxamed Waxay Tidhi Waan Bogaadinayaa In Hooyaday Ay Maraykanka I Keento.

 

Waxay Qortay Bandhigyada Sida Whispers Iyo Arrow Iminkana Waa Shaqaale Ka Tirsan CW Television Network, Oo Gacanta Ku Haya Filimka Taxanaha Ah Ee Legends of Tomorrow.

Xariifnimadeeda, In kasta oo Shaqooyin badan loo diidey, haddana Heerka ay Maanta joogto waxay ku Gaadhey in ay Noqotay Qof aan ku dhegenayn Dhaqankeeda Oo Keliya.

Iminka Waxay Ku Nooshahay, Los Angeles, Ubax waxay U Weyn tahay Saddex Caruur ah oo Walaalaheed ah.

Hooyadeed Caasha Cabdullaahi iyo saalax Maxamed,oo isku bartay iskuna guursadey soomaaliya, ayaa u soo guurey Maraykanka si ay halkaas u degaan waxna uga Bartaan.

Booqashadeedii Dhulkii Ay Waalidkeed Ka Soo Jeedeen, Sannadkii 2000, Ubax Waxay Safar Ku Tagtay Magaalada Waqooyiga Ku Taal ee Ceerigaabo, halkaas oo ay ku soo Aragtay Qabriyo Hore Oo Caan Ah.


Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News