qorilugudnews24.com
Waxaan Somaliland U Imid Ra’iisal-Wasaarahayga Oo Ay Ka Go’an Tahay In UK Noqoto Maal-Geliyaha U Weyn G7 Ee Caawiya Afrika.
October 8, 2018 - Written by qoriadmin

”Waxa Kale Oo Aan Soo Dhaweynayaa In Geeska Afrika Oo Dhan Ay  Ka Bilaabantay Rajo Ah Nabad Iyo Iskaashi”

Harriett Baldwin Wasiirul-Dawlaha UK U Qaabilsan Afrika.

—————————————————————————–

Hargeysa-(QorilugudNews24)Wasiirul-Dawlaha  Ingiriiska U Qaabilsan Afrika, Mr. Harriett Baldwin Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Timi Somaliland Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Ay Dawladdeedu £25 Million Pound Sterling Ku Dartay Wejiga Labaad Ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland Oo Lagu Fulin Doono Mashaariic La Xidhiidha Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay xogwarankii Wasiirul-dowlaha  Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Ms. Harriett Baldwin oo Maanta  faah-faahisay Qodobadii ay ka wada hadleen  Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

“Waxaan aad ugu faraxsan nahay in aan joogo  Hargeysa, Somaliland  oo ah  Dal Ka Mid Ah Afrika Oo Xidhiidh Qotodheer La Leh Dalkayga Ingiriiska, Waxaan Halkan U Imid Ra’iisal-Wsaarahayga Oo Ay Ka Go’an Tahay In UK Noqoto Maal-Geliyaha u weyn ee dalalka G7 ee  caawiya waddammada Afrika. Waxaan Maanta arkay qaar ka mid ah Shaqooyinka Ay Maal-Gelisey DFID ee ay u qabteen dadka reer Somaliland oo dhan,”Ayey Tidhi Mrs. Harriett Baldwin, Waxaanay intaas ku dartay in UK Ay Dhaqaale Soo Mariso UNICEF si wax loogu qabto Carruurta Ay Nafaqo darradu haysato.

Wasiirul-Dawlaha Ingiriiska Waxay Intaas Ku Dartay;  “Waxaan Ku Faraxsanahay In Aan Maanta Ku Dhawaaqo In Aanu Wejiga Labaad Ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) Ku Darno 25 Milyan Oo Giniga Ingiriiska Ah, Si Aanu Uga Caawinno Somaliland Mashaariic Ballaadhan Oo  Ku Wajahan Kaabayaasha Dhaqaalaha.”

Mrs. Harriett Baldwin Waxay Caddeysay Inay U Riyaaqday Sida Ay Madaxweyne Muuse Biixi uga go’an tahay Dimuqraadiyadda Iyo Doorashooyinka Baarlamaanka Ee Lagu Wado In Ay Somalilad Ka Qabsoonto  Kal-Dambe, Waxaanay Tidhi; “Sidoo Kale Waxaan Soo Dhaweynayaa siday Madaxweynaha Uga Go’an Tahay Dimuqraadiyaddu Iyo In Aan Maqlo In Horumar Laga Sameynayo  Dhinaca Doorashooyinka Baarlamaanka ee Qabsoomaya Sannadka 2019ka.”

“Waxa Kale Oo Aan Soo Dhaweynayaa In Geeska Afrika Oo Dhan Ay  Ka Bilaabantay Rajo Ah Nabad Iyo Iskaashi. Waxaan  Si Xoog Leh Ugu Boorinayaa  Cid Kasta In Laga Wada Shaqeeyo  Sidii Loo  Sii Wadi Lahaa Wada-Hadallada,  Si Loo Xaliyo Mowduucyada La Isku Maan-Dhaafsan Yahay.”

Ugu Dambayn, Waxay Shaacisay In Ay UK Garab Taagan Tahay Xidhiidhka Iyo Saaxiibtinimada Guunka Ah Ee Ka Dhexeysa Somaliland Iyo Ingiriiska.

Solnanews.com

COMMENTS
Latest News