qorilugudnews24.com
Somaliland Oo Lagu Marti-Qaaday Shir Ka Dhacay Magaalada Kigali Ee Caasimadda Dalka Rwanda Iyo Nuxurka Uu Daaranaa Shirkaasi.
October 9, 2018 - Written by qoriadmin

Kigali-(QorilugudNews24)-Somaliland Ayaa Lagu Marti-Qaaday Shir Ka Dhacay Magaaladda Kigali Ee Caasimadda Dalka Rwanda, Shirkaas Oo Laga hadlaayey Xuquuqada Haweenka Adduunka, Gaar Ahaan Haweenka Qaraadd Afrika. Dhinaca Somaliland Waxa Ka Qabgashay Marwo Muna Magan Oo Meteleysey Haweenka Reer Somaliland.
Shirkan Ayaa Laga Hadlaayey Hannaan Caalami Ah Oo Loogu Tallo-Galay Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Taageerada Hoggaamiyayaasha Haweenka Afrika Iyo Suurto-Galnimada Sare Loogu Qaadi Karo Heerka Aqoontooda, Siidii Loo Dareeyeli Lahaa Arrimaha haweenka Ee Qaraadka Afrika.

Qodobada Ugu Waaweynaa Ee Shirka Lagaga Hadlay Ayaa Waxa Ka Mid Ahaa, Waxay Tahay In Ay Muujiyaan Suurto-Galnimada Jiilka Cusub Ee Hoggaamiyayaasha Haweenka Afrika Ee Heerarka Kala Duwan Ee Bulshada Rayidka Ah Iyo Gobolka, Si Loo Xoojiyo Hoggaamiyayaasha Afrikaanka Iyo Caalamka Ee Adeegga Afrika Ee Cusub Iyo Kuwa Loo Dhan Yahay.

Shir-Sannadeedkan Ayaa Lagu Soo Bandhigay Qaaradda Afrika sidii Ay Dumarku Kaalin Mug Leh Uga Qaadan Lahaayeen Dhinaca Siyaasadda, Dhaqaalaha Iyo Hannaan Doorashooyinka Ee Xilalka Hoggaaminta Haweenka, Taasi Oo Dhabada U Jeexaysa Horumar Waara Oo La Gaadhsiiyo Qaaraddka Afrika, Sidoo Kale Waxa Lagaga Hadlay Doorka Ay Ka Qaadan Karaan Dhallinta Afrika Go’aan Qaadayaasha Ku Hawlan Isbedelka Qaaradda.

Marwo Muna Magan Ayaa Intii U Shirkaasi Socodey Ku Soo Bandhigtay Horumarka Ay Haweenka Reer Somaliland Ka Sameyeen Dhinaca Doorashooyinka, Xilal Kale Ee Dawladda Iyo Xuquuqda Haweenka Sida Loo Ilaaliyo, Waxayna Tilmaantay In Uu Madaxweynaha somalilland Haweenka Siiyey Qoondo U Gaar Ah Dumarka U Tartaranka Golayaasha Qaranka Oo U Dhiganta 25%

480 Dumar Iyo Rag Ah Oo Ka Kala Socdey 70 Waddan Oo Ay Ka Mid Yihiin 52 Waddan Oo Afrikaan Ah, Ayaa Ka Qayb-Galay Shirkan kana Qayb-Qaatay Barnaamijyo Kala Duwan Oo Dhammaystiran Si Ay Cabiraan Fikirkooda, Una Kobciyaan Aqoontooda Ku Saabsan Mawduucyada Muhiimka Ah Iyo Kuwa Waddamada Afrikaba.


Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News