qorilugudnews24.com
Qaar Ka Mid Ah Website-Beeleedyada Reer Somaliland Oo Isu Rogey Caroogga Laga Afuufo Dacaayadaha Raqiiska Ah Iyo Barabagaandooyinka Madhaleyska Ah Ee Cadowga Somaliland, Bilaabayna In Ay Xiniinyaha U Salaaxaan Horjoogayaasha Maamulada Pintland Iyo Villa Somalia.
October 9, 2018 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Qaar Ka Mid Ah Website-Beeleedyada Faraha Badan Ee Reer Somaliland Ayaa Gebi Ahaanba Isu Rogey Caroogga Laga Afuufo Dacaayadaha Raqiiska Ah Iyo Barabagaandooyinka Madhaleyska Ah Ee Cadowga Somaliland, Dacaayadahaas Oo Lidi Ku Ah Sharafta Iyo Karaamada Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba Website-Beeleedyadaas Oo Ay Ka Mid Yihiin, Hadhwanaag.ca, KarinNews.com, WaxsansheegNews.com, HohadNews.com Iyo Kuwo Kale Oo Aanaan Halkan Ku Soo Koobi Karin Magacyadooda, Kuwaas Oo U Muuqda In Ay Yihiin Prepaid Iyo Adoomo Si Fudud Wax Loo Gashan Karo Isla Markaana Maskaxdoodii Lala Yeeshay, Iyaga Oo Sharaftoodii Iyo Karaamadoodii Ku Iibsadey Waxoogaa Sandareero Ah Oo Jeebka Loogu Shubo.
Mulkiileyaasha Website-Beeleedyadan Ayaa Hadda U Xuubsiibtey In Ay Xiniinyaha U Salaaxaan Horjooyaasha Maamul-Goboleedyada Pintland Iyo Kuwa Villa Somalia, Arrintaas Oo Dad Badan Ka Yaabisay.
Ugu Dambayn Waxa Aanu Hay’addaha Ammaanka Ee Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqaynaa In Ay Indho Dheer U Yeelato Mareegaha Kor Ku Xusan Iyo Cid Kasta Oo Ka Hawl-Gashaba, Isla Markaana Tallaabo Adag Oo Deg Deg Ah Laga Qaado Kooxahan Qaran-Dumiska Ah Ee Dalka Ku Soo Duuley, Isla Markaana U Addeegaya Cadowga Somaliland Iyo Danaha Shisheeye.
By: AJ
seeftanacbka@yahoo.com
Burco, Somaliland.

COMMENTS
Latest News