qorilugudnews24.com
XOG: Danaysiga Siyaasaddeed Ee Puntland Iyo Sida Maamulada Kale Aanay U Fahansaneyn, (Maxaa Shalay Ka Dhacay Garoowe?).
October 13, 2018 - Written by qoriadmin

Puntland Caadiyan Waa Maamul Ku Caan Baxay Laba Wejiilenimada Iyo Danaysiga Siyaasaddeed……

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Wallow Ay Tahay Maamulkii Ugu Horeeyey Ee Laga Dhiso Koonfurta Soomaaliya, Waxaa Jirtey Xilli Ay Dhibaato Iyo Arbush Ku Haysey Dawladdihii KMG Ahaa Sida Tii Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xassan Iyo Tii Shiekh Shariif Shiekh Axmed.

Hadda oo ay soo baxeen Maamulo kale, ma muuqataa mid ay hoos u dhacday saameynteedii siyaasaddeed waxa ayna majaraha u qabatay saddex ka mid ah shanta Maamul ee Koonfurta Soomaaliya ka hana qaaday.

Marka laga reebo HirShabeelle, oo dhawaan fahantay ujeedka siyaasadeed ee loo unkay golaha Iskaashatada Maamulada iyo danaha hoose ee Maamulka Puntland, inta kale waxa ay u muuqdaan kuwo ka dhoohan oo ka indha la’a laba wajiilenimada siyaasadeed ee Garoowe.

Maxaa ugu dambeeyey oo taas caddeyn u ah?

Waxaa shalay Garoowe lagu soo gunaanaday shir u socday guddiga Dastuurka dowladda Federaal-ka iyo guddiyahada kale ee heer maamul!

Ogow shirku waxa uu ka dhacay Garoowe!? Waa yaabe, miyeysan Maamuladdii wada shaqeynta dowladda Federaal-ka hakin oo miyeysan Puntland hormuud arrintaas ka ahayn!

Ku darso, dhawaan waxaa xubin Baarlamaan lagu doortay Garoowe oo uu ku soo baxay Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xassan!

Puntland waa ay diidey shirarkii kale, iyo in Wasiirada dowladdu tagaan ama ay shir ku qabtaan Garoowe. Sababta ay shirka dastuurka u ogolaatay ayaa ah, in dastuurkan markii hore ee la sameynayeyba ay ayada Afduubatay oo danteeda lagu salleeyey, haddana ma dooneyso inay seegto go’aanada la xiriira.

Puntland waxay mar walba sameyneysa wixii ay danteeda ka aragto, waa yaabe, miyeysan Maamulada ka quusan laba Wejiilenimada Puntland! Mise Weligood wey dhoohnaan doonaan!

W/Q: Safiya Cabdullaahi G

COMMENTS
Latest News